4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Hoggaamiyihii ugu caansanaa burcad-badeedda Soomaaliya oo lagu xiray dalka Belgium

Isniin, October 14, 2013 (HOL) - Wakaalada wararka ee dalka Belgium ee Belga ayaa shaacisay in xabsiga loo taxaabay Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne) oo ahaa mid kamid ah aasaasayaashii burcad badeeda Soomaaliya.

Afweyne ayaa laga qabtay ayraboorka magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium isagoo saarnaa diyaarad ka tagtay magaalada Nairobi maalintii sabtida ahayd iyadoo ilo kamid ah garsoorka dalka Belgium ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP in loo haysto dacwado dhowr ah.

Ilo kamid ah garsoorka dalka Belgium oo la xiriiray wakaalada wararka ee AFP ayaa sidoo kale sheegay in la filayo in maanta uu shir jaraa’id qabto dacwad soo oogaha dalka Belgium uuna kaga hadlo xariga Maxamed Cabdi Xassan (Afweyne)  oo horay u shaaciyay inuu isaga haray burcad badeednimada.

Warbixin ay sannadkii hore soo saartay qaramada midoobay ayaa ku tilmaantay Afweyne inuu yahay ninka ugu awooda iyo saamaynta badan marka laga hadlayo hogaanka burcad badeeda Soomaaliya.

Waxaana la sheegay inuu ku lug lahaa qabsashada maraakiib badan oo malaayiin lacag ah oo madax furasho ah lagu soo daayay kuwaasoo ay kamid ahaayeen markab shidaal siday oo laga lahaa dalka Sucuudiga kaasoo sii dayntiisa laga qaatay malaayiin lacag ah oo madax furasho ahayd.

Qaar kamid ah warbaahinta dalka Belgium oo xarigiisa ka hadashay ayaa sheegtay in Afweyne uu ku lug lahaa qabsashada markab laga leeyahay dalkaasi Belgium sannadkii 2009ka kaasoo laba bilood iyo toban bari ay haysteen burcad badeeda Soomaalida.

Inkastoo ayaamihii dambe uu ku mashquulsanaa mashruuc ballaaran oo la doonayay in hubka looga dhigo burcad badeeda Soomaalida ayaa haddana aan la garanayn saamaynta xarigiisu uu ku yeelan karo qorshe ay dawladii hore ee Soomaaliya dajisay kaasoo uu Afweyne qayb ka ahaa laguna doonayay in lagu soo afjaro burcad badeeda ka ugaarsata maraakiibta xeebaha Soomaaliya.

Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya