4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo shaaciyay inaan garoonka diyaaradaha Muqdisho lala geli karin nooc walba oo hub ah

Isniin, Oktoobar 14, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in nooc walba oo hub ah aan lala geli karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid lagu adkeyayo ammaanka garoonka.

Wasiirka oo la hadlayay xildhibaannada baarlamaanka Somaila ayaa xusay in lagu wareejiyay maamulka garonka shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC taasoo dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyn doonta garoonka muddo sideed bilood gudahooda ah.

"Garoonka diyaaradaha Muqdisho wax hub ah lalama geli karo, madaxda marka ay dhoofayaan ama ay soo dagayaan ilaalooda waxay wadan karaan oo keliya bastoolado, balse qoryaha waaweyn waa laga reebayaa," ayuu yiri wasiirka oo xusay inaanay macquul ahayn in qori lala galo garoonka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka ay ka reebi doonaan cid walba oo doonaysa inay garoonka galaan hubka, isagoo ku daray hadalkiisa in tani ay qayb ka tahay sidii lagu adkeyn lahaa amniga guud ee garoonka.

Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ay xukuumaddu ay qaaddo, iyadoo marka ay madaxdu dhoofayaan iyo marka ay dalka ku soo laabanayaan ay ilaaladooda hubka la geli jireen garoonka diyaaradaha.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ilaalo ka haya ciidamada AMISOM iyo kuwo Soomaali ah, isagoo dacalka ku haya xarunta ugu weyn ee ay ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka ayaa shalay sheegay in shirkadda maamulka garoonka lagu wareejiyay ay kula xisaabtami doonaan howlaha ay qabanayso isagoo sheegay in haddii ay uga soo bixi waydo xilligii ay horay u qabadeen ay raadsanayaan shirkado kale oo kala wareega.

Shirkadda FAVORI LLC ayaa waxay ku ballanqaaday heshiiskii ay la gashay xukuumadda Soomaaliya inay muddo sideed bilood gudahood ah dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyn doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya