4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 14, 2013
Iska-horimaad Ciidamada Dowladda Somalia, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Ceelasha Biyaha

Isniin, Oktoobar 14, 2013 (HOL) — Iskahorimaad khasaare gesytay ayaa ku dhexmaray xalay duleedka deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka Shabeellada Hoose ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMIOSM iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Arbacow oo Koonfur kaga beegan deegaanka Ceelasha Biyaha, kaasoo socday muddo saacad ku dhow, waxayna dhinacyadu isku adeegsadeen hub fudud iyo mid culus.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka dhasheen dagaalkaas khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan sheegin tiradooda.

Balse goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inay arkeen maydadka afar qof oo dhinacyadii dagaalku dhexmaray ah, sidoo kalena ay arkeen dhaawacyada ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii xalay uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin duleedka Ceelasha Biyaha, halkaasoo ay dib uug laabteen dad fara badan oo sannadkii hore ka barakacay.

Lama oga khasaaraha ciidamada AMISOM kasoo gaaray dagaalkaas, iyadoo dagaalkan uu qayb ka yahay dagaallo soo laalaabtay habeennadii ugu dambeeyay oo ka dhacay deegaankaas iyo kuwa ku dhow.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay weli gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah ku qaadda fariisimaha ay gobolkaas ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya