4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Iska-horimaad khasaare geystay oo ciidammo ka tirsan dowladda Somalia iyo kooxo hubeysan ku dhexmaray duleedka Muqdisho

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Iskahorimaad u dhexeeyay ciidammada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ayaa galabta ka duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Siinka dhee  kaddib markii uu ciidamada iyo kooxaha hubeysan soo dhexgalay muran.

Saddex ruux ayaa ku dhintay dagaalka iyadoo ay ku dhaawacmeen siddeed ruux oo kale oo kawada tirsanaa dhinacyadii dagaalamay, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta keentay dagaalkan.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in kooxaha hubeysan oo dharka ciidamada dowladda ku labisnaa ay doonayeen inay afduubtaan dhakhtar ku sugnaa isbitaalka Al-birri, halka warar kalena ay sheegayaan inay doonayeen inay lacago baad ah ka qaataan dhisme ku socday isbitaalka.

Shaqaalaha isbitaalka ayaa la sheegay inay taleefoon u direen ciidammada dowladda ee ku sugan deegaanka Lafoole, kuwaasoo markii ay tageen halka uu ku yaallo isbitaalka uu muran soo dhexgalay kooxihii halkaas ku sugnaa ayna isla markiiba billaatay rasaas.

Guddoomiyaha deegaanka Lafoole ayaa sheegay in ciidamadii uu dagaalku dhexmaray ay doonayeeen inay afduubtaan dhakhtarka isbitaalkaas, ayna ka hortageen, isagoo xusay inay ka adkaadeen oo ay kala eryeen.

“Saddex ka mid ah kooxihii aan dagaalannay ayaa dhintay, saddex kalena dhaawacyo ayaa gaaray, waxaana gacanta ku dhignay gaari yar ay wateen, waxayna ahaayeen kooxo ku labistay dharka ciidamada dowladda,” ayuu ku daray hadalkiisa guddoomiyaha deegaanka Lafoole.

Gaariga ay qabteen ayuu sheegay guddoomiyuhu inay ka heleen waraaqado ay ku asteysan tahay calaamadda dowladda hoose oo lacago looga qaadi jiray guryaha la dhisayo iyo xoolaha, isagoo xusay ing aariga uu ahaa mid lagu qaadi jiray ari.

Ma ahan markii ugu horreysay oo iskahorimaad noocan oo kale ah uu dhex-maro ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya