4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Haweenka ku nool Puntland oo baqdin ka muuijnaya in xubno ay ku yeelan Waayaan Baarlamaanka cusub ee Puntland

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Haweenka Puntland ayaa walaac ka muujiyay ka qayb galka xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Puntlad, iyagoo sheegay in shacabka Puntland ay weli ku dhagan yihiin dhaqanka ah in haweenka aysan ka mid noqon hay’adaha xukuumadda.

Saynab Ugaas Yaasiin oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka ee maamulka Puntland oo hadlaysay warbaahinta ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in inaan wax rajo ah laga qabin in haweenka ay ka mid noqdaan xubnaha baarlamanaka cusub ee Puntland,.

Wasiir ku xigeenku waxay arintaasi sabab uga dhigtay in shacabka Puntland ay weli ku dhaqmayaan nidaamka qabiilka taasna ay hoos u dhigayso inay haweenka deegaannadaas ku nool ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee lasoo dhisayo.

“Muddo badan ayaan xoogga saaraynay sidii haweenka Puntland ay u heli lahaayeen xaquuqda iyo doorka ay ku lee yihiin siyaasadda, markii Puntland la dhisay sannadkii 1998-kii haweenku si weyn ayay uga dhex-muuqdeen siyaasadda, balse muddooyinkii dambe waxaa muuqanaysay inay haweenku kusii yaraanayaan siyaasadda,” ayay tiri wasiir ku xigeenku.

Haweenka Puntland ayay ugu baaqday Saynab inaysan waxba ka niyad jabin in loo diido xilalkii ay baarlamaanka iyo xukumadda ku lahaayeen, waxayna sheegtay inay sii labi doonaan dadaalka ay xili kasta ugu jiraan sidii doorka haweenka uu u noqon lahaa mid muuqda.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka Puntland waxay u jeediyay odayaasha dhaqan iyo mas’uuliyiinta inay wax ka badalaan in la caburiyo haweenka, iyadoo tilmaamtay haddii haweenka la siiyo fursaddooda ay kasoo bixi karaan howlaha lagu aamino.

Sannadihii dambe waxay haweenka Soomaaliyeed dadaal weyn ugu jireen sidii ay xuquuqaadkooda uga heli lahaayeen hay’adaha dowladda iyadoo ay baarlamaanka federaalka Soomaaliya xubno ka yihiin 20% haween, inkastoo ay weli jirto cabasho ay muujinayaan.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ah midka ugu badan ee ay xubno ka yihiin haweenka Soomaaliyeed, marka loo eego baarlamaannada ka jira gobollada dalka qaarkood, waxaana tusaale loosoo qaadan karaa in golaha wakiillada Somaliland ay ku jirto haweeney qura.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya