4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Baarlamaanka uga War-bixiyay Heshiis ay Xukuumadu la gashay Shirkadda Maamusha Garoonka


Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta hortagay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya isagoo uga warbixiyay heshiiskii ay xukuumaddu la gashay shirkadda FAVOR LLC oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Mudane Ciilmooge ayaa xildhibaannada sharraxaad ka siiyay heshiiskaas iyo qodobbada uu ku fadhiyo, isagoo sheegay in shirkaddan ay garoonka Aadan Cadde ku sameynayso dib u habeyn casri ah muddo sideed bilood gudahood ah.

“Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay ka shaqeyso horumarinta ilaha dhaqalaaha dalka oo uu garoonku ka mid yahay, waxaana shirkadda FAVORI LLC kula heshiinay inay muddo kooban ku horumariso garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, innagoo ku dabo-galayna howlaha ay qabanayso,” ayuu ku yiri hadal uu wasiirku ka jeediyay baarlamaanka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada ugu muhiisan ee heshiiskan uu yahay sidii ay shirkaddan ballaarin ugu sameyn lahayd waddooyinka ay soo cago-dhigtaan diyaaradaha, cusboonaysiinta dhismaha garoonka, dib u dhiska qaybaha garoonka ee waxyeelladu gaartay, iftiiminta iridaha laga soo galo garoonka, dhismaha goobaha ganacsiga dowladda leedahay oo laga hir-gelin doono kasoo horjeedka garoonka diyaaradaha.

“Dhaqaalaha garoonka kasoo xarooda waxaa saddex meelood meel loo dhigi doonaa garaoonka, si loogu maareeyo howlaha garoonka, waxaana heshiiska uu dhigayaa in shirkaddan ay 45% dhaqalaaha garoonka ay si toos ah ugu soo wareejiso dowladda, halka shirkaddii hore ay 35% soo wareejin jirtay,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka ayaa xildhibaanada u soo bandhigay naqshadda cusub ee garoonka lagu horumarinayo, iyadoo naqshaddu ay ahayd mid muujinaysa in garoonka uu yeelanayo muuqaal ka casrisan sida uu hadda u dhisan yahay.

“Haddii ay kasoo bixi waydo shirkadda FAVORI heshiiska ay lala galay 90-maalmood gudahood, xukuumaddu waxay awood u leedahay inay digniin siiso ayna u sheegto inay qolo kale garoonka ku wareejin doonto,” ayuu ku daray wasiirku hadalkiisa.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa soo dhaweeyay hadalka wasiirka iyagoo mar kale uu wasiirku hortegi doono xildhibaannada baarlamaanka inta aysan dhammaan bishan, si uu heshiiskan sharraxaad kale uga bixiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya