4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Siyaasiga Maxamed Cumar Waayeel oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden (SAWIRRO)


Axad, October 13, 2013(HOL)—Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweynayay siyaasiga Maxamed Cumar Waayeel oo booqasho ku jooga dalka Sweden ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden, iyadoo xafladdana ay ka soo qeybgalay dad badan oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan oo dalka Sweden ka tirsan.

 

Xafladda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Odayaasha iyo dhallinyarada magaalada Katrineholm, kuwaas oo isu xilqaamay in ay siyaasiga soo dhaweeyaan. Maxamed Cumar Waayeel oo  ka tirsan Agaasinka Baarlamaanka  rasmiga ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu horay ula soo shaqeeyay xukuumadihii KMG ahaa ee soo maray Soomaaliya, wuxuuna soo qabtay xil wasiirnimo.

 

Munaasabaddii soo dhaweyntiisa oo uu xiriirinayay aqoonyahan Xuseen Maxamed Cabdulle (Wadaad) ayaa waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jiray Diblumaasiyiin, Ganacsato, Saraakiil, Duubab iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u sharraxan in ay ka mid noqdaan baarlamaanka dalka Sweden iyo golayaasha heer gobol iyo heer degmo iyadoo dhalinyaradana  uu wakiil u hadlay.

 

Dadkii ka hadlay munaasabdda ayaa waxaa ka mid ahaa Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cabdullaahi Muuse Xuseen, Suldaan Maxamed Deeqow Macallin oo ka tirsan saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, Faarax Cali Macallin oo ka mid ah bahda Isboortiga Soomaaliyeed, Abwaan C/kariin Goleey, Ganacsade Cabdullaahi Xaashi Jimcaale, Diblumaasi Soomaaliyeed Prof. Cabdullaahi Axmed Qudde, Cabdullaahi Cali Kamoole (Calool), Diblumaasi Soomaaliyeed Xasan Maxamed Xaaji Dusoos, Yaasiin Maaxi Macallin oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka degmada Katrineholm, Nuur Cali Gacal  iyo Xasan Maxamed Bashiir oo ka tirsan howlwadeennada safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya.

 

Intii ka hadashay munaasabadda ayaa dhammaantood waxay soo diirran u soo dhaweeyeen Maxamed Cumar Waayeel, waxayna si weyn u ammaaneen doorarkii kala duwanaa ee uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya iyadoo la xusay in uu Waayeel yahay shakhsi karti leh oo howlaha uu bulshada Soomaaliyeed u hayo si weyn uga soo dhalaala, waxayna u rajeeyeen in xilka agaasin ee uu Baaralmaanka Soomaaliya u hayo uu Alle la garabgalo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN

Siyaasiga Maxamed Cumar Waayeel oo cod baahiyaha lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha leh ee loo soo sameeyay, wuxuuna caddeeyay in uusan qiyaasi karin farxadda uu dareemayo bacdamaa ay soo dhaweeyeen dad qiimo leh oo qaarkood ay soo wada shaqeeyeen iyo kuwo sida uu yiri Macallimiintiisa ahaa.

 

Wuxuu uga warbixiyay halka ay mareyso siyaasadda dalka Soomaaliya iyo marxaladihii adkaa ee  la soo maray, isagoo ku rajo geliyay dadkii uu la hadlayay in xaaladda Soomaaliya ay ka wanaagsan tahay sidii hore siyaasad ahaan iyo amni ahaan. Wuxuu carrabka ku dhuftay in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u soo baxay ay dhahaan dalka amni darro ayaa ka jirta oo nafteena ayaan uga baqeynaa, hayeeshee wuxuu ku shaafiyay dadkaas in qof kasta oo nool uu dhimman doono ama xabbad ha disho, biyo ku dhinto ama sariirtiisa haku dhintee, dhimashadana aysan ahayn wax laga baxsan karo meel kasta oo la joogo. Intaas kaddib waxaa dardaaran iyo talooyin isweydaarsaday Siyaasiga iyo dadkii xaafladda soo dhaweynta ah u sameeyay.


Waxaa xusid mudan in dadka  ka soo qeybgalay munaasabadda waxaa  ayaa ka socday  Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Magaalooyinka Katrineholm, Västrås, Esklistuna iyo Norrköping, wuxuuna ujeedkooda ahaa in ay weyneeyaan oo ay sharfaan Maxamed Cumar Waayeel, waxayna munaasabadda ku soo gebagebowday jawi aad u wanaagsan.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]