4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2013
Wasaaradda Ganaacsiga & Warshadaha oo sheegtay in la sameeyay Guddi baaraya Raashinka iyo Dawooyinka lasoo geliyo dalka

Axad, Oktoobar 13, 2013 (HOL) — Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Somalia, Maxamuud Xasan Axmed ayaa sheegay in wasaaraddu ay sameysay guddi baaritaanno ku sameynaya raashinka iyo dawooyinka dalka kasoo gelinayo si ganacsiga dalka la keenayo uu u noqdo mid tayo ahaan aad u wanaagsan.

Mudane Xasan ayaa sheegay in howshan ay tahay mid looga hortagayo in la soo geliyo dalka, isagoo ganacsatada Soomaaliyeed kaga digay inay dalka soo geliyaan raashin ama dawooyin dhacay.

“Wasaaraddu waxay hirgelisay guddi baaritaan ku sameynaya raashinka iyo dawooyinka dalka soo galaya, si looga hortagayo in dalka lasoo geliyo dawo iyo raashin tayo ahaan aan wanaagsanayn oo cudurro dhalin kara,” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in tallaabadan ay tahay mid lagu horumarinayo caafimaadka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka inay la xisaabtamaan xilligan haya’daha dowladda maadaama laga baxay xilligii KMG ahaa, isagoo intaa ku daray in wasaaraddiisu ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso caafimaadka dadka Soomaaliyeed.

“Ganacsiga dalka imaanaya waa inuu noqdaa mid caafimaadka bulshada u wanaagsan, waana taas sababta keentay inaan sameyno guddi baaritaanno ku sameeya ganacsiyada kala duwan ee  dalka soo galaya,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ganacsiga dalka la keenayo lagu xaqiijinayo tayadooda, iyadoo tan iyo markii uu burburku ka dhacay dalka la keenayay raashin iyo dawooyin tayo ahaan aad u hooseeya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay isbedel weyn ku sameynayso ganacsiga dalka la keeno iyo weliba dhowrista caafimaadka shacabka, sidoo kalena waxay tani rajo wanaagsan gelinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ah aan arkin raashin iyo dawooyin tayadooda la baarayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya