5/16/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Xukuumadda Somaliland oo Wasiirka War-faafinta Dowladda Soomaaliya ku eedeysay inuu Jabiyay Heshiishkii Dhinaca Hawada


Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay Soomaaliya jabisay heshiishkii dhinaca hawadda ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliyo,isla markaana ka hadlay ka soo yeedhay wasiirka Warfaafinta iyo gaadiidka Cirka ee Soomaaliya C/laahi Ciilmooge oo sheegay inay hawadda Soomaaliya laga maamuli doonno magaaladda Muqdisho.

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in hadalkaasi ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya uu wax u dhimayo heshiishkii dhexmaray labada dhinaca, isla markaana aanu ogolaanayn wax burinaya heshiishkaasi hore.

“Waxaan halkan ka cadaynayaa inaanay marna Somaliland aqbali doonin in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, Qaramada midoobayna  iyo cid kale toona aanan ka yeelayn in hawada dalkii la odhan jiray Soomaaliya loo maamulo sidii aanu ku heshiinay si aan ahayn,haddii wasiirka Duulista  Soomaliya ay xukuumadiisuna kula socota hadalada noocan ah inay burinayso balan ka baxna ay ku tahay wixii aanu ku heshiinay, Somaliland marna aqbali mayso in hawadeeda laga maamulo Muqdisho oo cid gaari maamulato oo Soomaaliya si gaar ah u maamusho”ayuu yidhi wasiirka Duulista Hawadda oo ka hadlayey khilaaf xaga hawadda ah oo soo kala dhexgalay Somaliland iyo Soomaaliya.

“Qaranka Somaliland waxa uu uga digayaa beesha caalamka iyo wadanka Soomaaliya cawaaqib xumo ka dhalata ka ganacsiga hawada dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya oo qalalaase  iyo xasilooni daro ku soo korodho”ayuu yidhi wasiirku waxaanu intaas ku daray “haddii arintaas ay qaramada midoobay ku adkaysato waxaanu kala galaynaa wada hadal toos ah”

“Waxaanu kala hadli doonaa Qarmadda midoobay in dawlada Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii noo dhaxeeyey,  hadii ay ku cadaatana waxaanu qaadan doona go’aamo iyo talaabooyin adag oo saamayn ku yeesha qaramada midoobay iyo wadanka somaliya”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Arrimaha Hawadda ayaa Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen dhowaan dalka Turkiga in la wada maamulo oo xafiiskeedda magaaladda Hargeysa laga furo, haseyeeshee wasiirka Duulista Hawadda Soomaaliya Ciilmooge ayaa isna dhankiisa ka sheegay in xukuumadda Soomaaliya lagu soo wareejiyey, isla markaana laga maamuli doonno magaaladda Muqdisho.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
10/12/2013 4:17 PM EST
London(HOL)-Dowlada Engriiska ayaa munaasabada todobaadka Calanka Soomaaliya awgeed waxay maanta dowlada Soomaaliya ku wareejisay calanki safaaradi hore ee Soomaaliya kulahayd London.

10/12/2013 2:50 PM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay maanta madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni iyo ku ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

10/12/2013 10:41 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Shirkii madaxda ururka Midowga Afrika ayaa lasoo gaba-gabeeyey iyadoo go'aanadii kasoo baxay ay ka mid yihiin in madaxweyne ama ku xigeen Afirkaan ah aan looga yeeri karin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, lana xushmeeyo mudada ay xilka hayaan.

10/12/2013 10:19 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Naadiga dhaqanka ee SYL-II ayaa xaflad ballaaran oo shahaado lagu guuddoonsiiyay ugu qabtay Muqdihso fannaanadda weyn ee Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura), iyadoo xafladdan ay Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday hoteelka Saxafi.

10/12/2013 10:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka hor intii uusan furmin shirkii madaxda Midowga Afrika.

10/12/2013 9:10 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen diplomaasiyiin ay ka mid ahaayeen safiirka Nigeria u fadhisa Holland, safiirka dalka Ghana, safiirka Sierra Leone, xubno ka socotay dowladda Kenya, baarlamaanka EU-da qaybtiisa horumarinta Afrika iyo shaqsiyaad kale oo ay ka mid yihiin gabadha haysata kaalinta laabad ee quruxda Afrika, gabadha haysata biladda Top Model-ka, jiliyaal caan ah iyo xubno kale, isla markaana lagu bixinayay abaal marinta Africa Achievers Award 2013 ayaa lagu qabtay magaalada Almere ee dalka Netherlands.

10/12/2013 8:48 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Somaliland ayaa beeniyey warar laga qoray Sheekh Siciid Axmed Jaamac oo ah maamulaha laanta Burco ee shirkadda Afrikan Online inay Al shabaab u magacowday gudoomiyaha magaaladda Baraawe.

10/12/2013 8:40 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku geeriyootay saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen israsaaseyn u dhexeysay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Somalia oo maanta ka dhacday degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

10/12/2013 8:31 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay maalinta calanka iyo muhiimada ay u leedahay Soomaaliya.

10/12/2013 8:29 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa dalbaday in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, si dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Westgate Mall loo xoojiyo.

10/12/2013 2:23 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay ku dhisayso garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyo jaamacadda Maakhir lacag dhan 10-milyan oo doollar oo amaah ah.

10/12/2013 2:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed.