4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Sheekh Siciid Axmed Jaamac oo ka soo jeeda Somaliland oo beeniyay War sheegaya in Al-shabaab ay xil u Magacowday (SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Somaliland ayaa beeniyey warar laga qoray Sheekh Siciid Axmed Jaamac oo ah  maamulaha laanta Burco ee shirkadda Afrikan Online inay Al shabaab u magacowday gudoomiyaha magaaladda Baraawe.

Shirjaraa’id oo odayaashani ku qabteen Hoteel shiraacle ee magaaladda Hargeysa ayey ku sheegeen in muwaadinkaasi lagula kacay fal dil ah, isla markaana war aan jirin laga qoray, sidaa darteed xukuumadda ka codsaday inay arrintaasi wax ka qabato si aanay dadka shacabka ahi iskugu dhicin.

“Waxaanu shirkan u qabanaynaa war ku soo baxay Balligubadle Media oo ay qortay bishan sideedeeddii ayey aniga iga qortay in la ii magacaabay taliyaha magaaladda Baraawe ee Al shabaab, runtii waa wax aad looga yaabbay been abuurka  intaas leeg, anigoo ku sugnaa labadii bilood ee u dambeeyey magaaladda Hargeysa ayey yidhaahdeen wuxuu joogaa Baraawe ”ayuu yidhi Siciid Axmed Jaamac oo ah muwaadinka lagu eedeeyey inay taliye ka dhigatay Al shabaab, waxaanu intaas ku daray “waana arrin qofka niyad ahaan iyo maskax ahaan lagu dhibaataynayo,sidaa awgeed waxaanu maanta halkan ka beeninaynaa warkaasi in aanu ahayn mid sal iyo raad toona lahayn.”

“Waxaan u sheegayaa dadweynaha in arintaasi yahay mid been abuur ah oo uu yahay cadaawad bareer ah oo layla beegsaday naftayda iyo maalkaygii, marka waxa loo baahan yahay in qofka cirdigiisa iyo maalkiisa la ilaaliyo”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Jaamac Cabdi oo ka mid ah waxgaradka beesha uu ka soo jeeddo muwaadinkani ayaa yidhi “waxaan cadaynayaa in Sheikh Siciid Axmed waxa ay ka qortay ay been yahay, waxana ka codsanayaa xukuumada inay talaabo ka qaado dadkan beenta ka sheegaya dadka madaxda iyo culimadda ah ayaan ka codsanaynaa hay’adaha nabadgalyada ee og in aanu Siciid waxaasi gali Karin oo xogogolaal ka yihiin inay talaabo ka qaadaan”

“Wuxuu qoray websitkaasi war deg-deg ah oo uu sheegay in Siciid Axmed Jaar oo ah ninkan i ag fadhiyaa loo magacaabay gudoomiyaha Al-shabaab ee Baraawe, wuxuu intaas ku daray in ninkaasi oo ayaamo ka hor Hargeysa joogay ayaa  imikana buu yidhi ka hawlgalay halkii loo magacaabay oo hadda Baraawe ku sugan buu qoray xilkiina la wareegay ma kaas baan beenaale Media  ahayn”ayuu yidhi Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir oo ka hadlayey mareegtaasi warka ka qortay muwaadinkaasi.

“Waxan ka codsanayna Xukuumada si aanu shacabku iskugu dhicin in waxan oo kale marka uu dhaco inay wax ka qabato oo talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan, mar haddii aad leedahay ninkii wax laga qoray waa kan I ag fadhiyaa wax hadhay ma jiraan oo labadii bilood ee u dambeeyey waxaanu ku wada sugnayn Hargeysa”ayuu yidhi caaqilku.

Siciid Axmed Jaamac ayaa dhowaan baraha internetka lagu baahiyey  inay Al shabaab u magacowday gudoomiyaha magaaladda Baraawe,kaas oo uu si weyn uga cawday muwaadinkaasi, isla markaana ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo sheegay inuu sharciga la tiigsan doonno.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland