3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
Ururka Midowga Afrika oo ku baaqay in la kordhiyo Tirada ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si howgallada loo kordhiyo

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa dalbaday in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, si dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Westgate Mall loo xoojiyo.

Golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika ayaa dalbaday in lagu krodhiyo ciidamada AMISOM 6,235 askari, taasoo tirada ciidamada AMISOM ka dhigaysa 23,966 askari, iyadoo aan codsigan loo jeedin dalal gaar ah.

Sidoo kale, goluhu wuxuu Qaramada Midoobay ka dalbaday in la kordhiyo xilliga howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan, si ay u sii wadaan howlgalkooda lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay intooda badan ka socdaan dalalka Uganda, Burundi iyo Kenya, waxaana sidoo kale ku sugan ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo si iskood ah u howlgala.

Weerarkii Westgate Mall ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay 67-qof, iyadoo mas’uuliyadda weerarkaas ay sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ka socda.

“Al-shabaab waxay noqotay koox cadow u ah dallaka gobolka oo dhan, waa in tallaabo looga hortagayo la qaato,” ayuu goluhu ku yiri  warbixin uu soo saaray maanta oo Sabti ah.

Toddobaadkan ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn uu caalamka ka dalbaday in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii loo jabin lahaa awoodda Al-shabaab , isagoo sheegay inay jirto baahi weyn oo dhinaca ciidamada ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
10/12/2013 4:17 PM EST
London(HOL)-Dowlada Engriiska ayaa munaasabada todobaadka Calanka Soomaaliya awgeed waxay maanta dowlada Soomaaliya ku wareejisay calanki safaaradi hore ee Soomaaliya kulahayd London.

10/12/2013 2:50 PM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay maanta madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni iyo ku ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

10/12/2013 10:47 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inay Soomaaliya jabisay heshiishkii dhinaca hawadda ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliyo,isla markaana ka hadlay ka soo yeedhay wasiirka Warfaafinta iyo gaadiidka Cirka ee Soomaaliya C/laahi Ciilmooge oo sheegay inay hawadda Soomaaliya laga maamuli doonno magaaladda Muqdisho.

10/12/2013 10:41 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Shirkii madaxda ururka Midowga Afrika ayaa lasoo gaba-gabeeyey iyadoo go'aanadii kasoo baxay ay ka mid yihiin in madaxweyne ama ku xigeen Afirkaan ah aan looga yeeri karin maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, lana xushmeeyo mudada ay xilka hayaan.

10/12/2013 10:19 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Naadiga dhaqanka ee SYL-II ayaa xaflad ballaaran oo shahaado lagu guuddoonsiiyay ugu qabtay Muqdihso fannaanadda weyn ee Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura), iyadoo xafladdan ay Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacday hoteelka Saxafi.

10/12/2013 10:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ka hor intii uusan furmin shirkii madaxda Midowga Afrika.

10/12/2013 9:10 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen diplomaasiyiin ay ka mid ahaayeen safiirka Nigeria u fadhisa Holland, safiirka dalka Ghana, safiirka Sierra Leone, xubno ka socotay dowladda Kenya, baarlamaanka EU-da qaybtiisa horumarinta Afrika iyo shaqsiyaad kale oo ay ka mid yihiin gabadha haysata kaalinta laabad ee quruxda Afrika, gabadha haysata biladda Top Model-ka, jiliyaal caan ah iyo xubno kale, isla markaana lagu bixinayay abaal marinta Africa Achievers Award 2013 ayaa lagu qabtay magaalada Almere ee dalka Netherlands.

10/12/2013 8:48 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Somaliland ayaa beeniyey warar laga qoray Sheekh Siciid Axmed Jaamac oo ah maamulaha laanta Burco ee shirkadda Afrikan Online inay Al shabaab u magacowday gudoomiyaha magaaladda Baraawe.

10/12/2013 8:40 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Haweeney rayid ah ayaa ku geeriyootay saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen israsaaseyn u dhexeysay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Somalia oo maanta ka dhacday degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.

10/12/2013 8:31 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay maalinta calanka iyo muhiimada ay u leedahay Soomaaliya.

10/12/2013 2:23 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Dowladda Kuwait ayaa sheegtay inay ku dhisayso garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyo jaamacadda Maakhir lacag dhan 10-milyan oo doollar oo amaah ah.

10/12/2013 2:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed.