4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ka warbixiyay Xujey Somali ah oo lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Jommo Kenyatta

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa ka hadlay xujey Soomaaliyeed oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jommo Kenyatta, kuwaasoo haatan ku xiran magaalada Nairobi.

Dajire Ameerika ayaa sheegay in dadka la qabtay yihiin 23-qof kuwaasoo ay ku jiraan dad waayeello ah oo qaarkood ka yimid xeryaha qoxootiga Kenya sida Kaakuma iyo Dhadhaab.

“Waxaa xujeydan lagu qabtay dal ku joogga Kenya ah oo been abuur ah oo loo saaray baasaboorradooda, waxaana ku jirnaa dadaal aan ku doonayno in lagu sii daayo,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in warqadahan been abuurka ah ay koox ku shaqeysta sameynta sharciyada been abuurka ah ay sameeyeen, kuwaas oo la sheegay inay Soomaali yihiin.

“Hadda waxaan dadaal ugu jirnaa sidii kooxihii baasaboorrada xujeydan u saaray sharciyada been abuurka ah lagu soo qaban lahaa laguna horkeeni lahaa sharciga,” ayuu yiri dajire Ameerika.

Xujeydan ayaa waxaa sadex maalmood ka hor lagu qabtay garoonka Jommo Kenyatta xilli ay doonayeen inay u ambabaxaan Sucuudiga si ay uga qayb-galaan xajka sannadkan.

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa soo jeedisay shalay oo Khamiis ahayd in lagu sii daayo xujeydan damiin iyadoo ku xukuntay inay lacago bixiyaan, waxaana tani ay noqonaysaa dhibaatadii ugu horreysay oo soo wajahanda dad xujey ah oo ka dhoofaya Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya