4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Xarakada Al-shabaab oo ku Hanjabtay inay Weerarayso Dalalka Uganda iyo Kenya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku goodisay inay weerarro ka geysan doono dalalka Uganda iyo Kenya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Madaxa Al-shabaab ee Jubbooyinka, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo hadal siiyay qaar ka mid ah warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay qaraxyo iyo weerarro ka geystaan dalalka Uganda iyo Kenya.

“Haddii ay wax walba noo adeegsadeen innaguna waxaan u adeegsanaynaa wixii aan awoodno,” ayuu ku yiri hadalkiisa isagoo sheegay in ciidamada ka socda dalalka ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sarkaalkan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan dagaallada ay ku jiraan, isagoo xusay in dhibaatada looga bixi karo Kitaabka Alle oo si wanaagsan loo qabsado laguna dhaqmo.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay Kitaabka Alle gacanta ku qabsadaan oo ay fahmaan, waxaana looga baahan yahay inay la diriraan kuwa doonaya inaan lagu dhaqmin,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, Sheekh Xudeyfa wuxuu sheegay in xoogag ka tirsan ururkooda ay ku sugan yihiin dalalka ay doonayaan inay qaraxyada ka geystaan, isagoo xusay inay yihiin kuwo noloshooda ka doortay inay difaacaan Kitaabka Alle.

“Mujaahidiintu waxay go’aansadeen inay ka aargutaan kuwa dhibaatada ku haya dadkooda iyo dalkooda, waxaana noo qorsheysan inaan xilliyada soo socda weerarno labadan dal,” ayuu mar kale yiri sarkaalkan.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay dhamaadkii bishii hore weerar maalmo qaatay ku qaaday dhisme ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasoo ay naftooda ku waayeen 67-qof oo Kenyan iyo ajnabi isugu jiray.

Dalka Uganda oo ay ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliy ayaa horay u sheegay inay xoojiyeen ammaanka dalkooda si ay uga hortagaan inay ka geysto Al-shabaab weerarro la mid ah kuwii ay dalkaas ka geystay sannadkii 2010, kuwaasoo ay ku dhinteen 76-qof oo ciyaar daawanayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya