4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho iyo ruux xalay lagu dilay degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Qaraxyo ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo qof rayid ah lagu dilay degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo loo adeegsaday bambaanooyin gacanta ayaa lagu weeraray saldhigyo iyo goobo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyadoo kooxaha weerarradan geystay ay baxsadeen.

Weerarradan ayaa waxay ka kala dhaceen degmooyinka Waaberi, Xamar Ja-jab iyo Xamar-weyne, waxaana qaraxyadan qaarkood lagu weeraray dhowr goobood oo ay ka mid ahaayeen, saldhigyada Waaberi iyo Xamarweyne iyo weliba dugsiga tababarka booliiska.

Bam ka mid ah bambaanooyinkan ayaa lagu weeraray goob ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ku sugnaayeen oo ku taalla isgoyska Sayid, halkaasoo ay qaraxa kaddib soo buuxiyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Lama oga khasaaraha ka dhashay bambooyinkan, iyadoo hay’adaha amniga ee dowladdu aysan weli ka hadlin weerarradaas is-xigay ee xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho.

Al-shabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaan weerarrada noocan oo kale ah, balse ma jiro hadal weli kasoo baxay kooxdan oo qaybo ka mid ah dalka ka talisa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay sannadkan noqotay goobta ugu badan ee ay Al-shabaab ka geysato falalka ammaan-darro ee isugu jira dilalka iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsado ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM.

Gellinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii weerar qarax ah lala eegtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaan, kaasoo geystay dhimashada laba qof oo shacab ah iyo dhaawac hal askari.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Marko ku dilay wiil dhalinyaro ah, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda dowladda, balse ma jiro hadal kasoo baxay hay’adda oo ku saabtan in ruuxa la dilay uu ciidamadooda ka tirsanaa iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya