4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 11, 2013
Ra’iisul Wasaare Saacid oo Hay’adaha Amniga ugu baaqay in ay Adkeeyaan Ammaanka Deegaannada ay dowladdu ka taliso

Jimco, Oktoobar 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa hay’adaha ammaanka ee dowladda Somalia ugu baaqay inay adkeeyaan ammaanka deegaannada ay dowladdu gacanta ku hayso.

Mudane Saacid ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah wasiirradiisa, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo celiso ammaanka guud ee dalka.

“Inaan shacabkeenna ka ilaalinno kuwa dhibaateynaya waajib ayaa naga saaran, waxaana hay’adaha ammaanka ugu baaqayaa inay adkeeyaan guud ahaan ammaanka Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladdu ka taliso,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay gacan ka siiyaan hay’adaha ammaanka sidii ay ammaanka ku sugi lahaayeen, wuxuuna intaa ku daray in shacabku ay ka digtoonaadaan inay guryaha ku haystaan xubno Al-shabaab ka tirsan.

“Al-shabaab dhibaato ayay dadka iyo dalka ku haysaa, waa inaydaan soo dhaweyn oo aadan karaameyn, waayo iyaguba wax karaamo ah shacabka uma hayaan,” ayuu mudane Saacid hadalkiisa ku daray.

Hadalka ra’iisul waasaraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay mararka qaarkood ka dhacaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay geysanayaan xoogagga Al-shabaab.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalal badan oo calaamka ka tirsan ay la leeyihiin xiriir iskaashi oo lagula dagaalamayo Al-shabaab, isagoo xusay in kooxdan aysan dhibaato ku hayn Soomaalida oo keliya, balse ay sidoo kale dhibaato ku hayaan caalamka oo dhan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay magaalada Muqdisho ka fulin karto howlgalkii ay doonaan, waxaana xalay magaalada ka dhacay in ku dhow toban qarax oo lagu weeraray saldhigyo ciidan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya