4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Heshiis Hordhac ah oo laga gaaray khilaafyo in Muddo jiray oo u dhexeeyay beelo Wada-daga Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Kadib kulamo ay maalmihii la soo dhaafay la lahayd hay'adda cilmi-baarista iyo wadatashiga ee CRD odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beelo wada dega gobolka Hiiraan oo in mudo ah khilaaf uu ka dhaxeeyay,ayaa markii ugu horeysay waxaa ay beellahaasi gaareen hishiis hor dhac ah oo la doonayo lagu soo afjaro khilaafka mudaba soo jiitamayay.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan saraakiil ka tirsan hay'adda CRD, xildhibaanno iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa gaaray deegaannada Deefoow iyo Kabxanley oo ah halka ay colaadu ka taagan tahay marar badanna ay ka dhaceen dagaal sababo dhamasho iyo dhaawac, iyaga oo halkaa kulamo kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka beellaha oo ay u soo bandhigeen qodobo sal u ah hishiis hor dhac ah oo laga gaaro khilaafka labada dhinac.

Cabdi Sheekh-doon Nageeye oo ka mid ah mas'uuliyiinta hay'adda CRD ee gogasha dhigtay ayaa HOL u sheegay in laga soo bilaabo 28-kii bishii September ku howlanayeen kulamo ay la lahaayeen waxgaradka beelaha, ugud danbeytiina waxaa uu sheegay in ay isku afgarteen qodobo muhiim ah oo aas-aas u noqon kara dhameynta colaada ka taagan deegaannada ay wada degaan beellaha.

''Afar qodob ayaa ugu muhiimsan ilaa iyo hadda is afgaradka la gaaray waxaana ka mid ah ''' Baaq nabadeed oo salka ku haya in goobihii ay colaaduhu ka dhaceen si nabad ah loogu wada noolaado xabbadana la joojiyo.Wax kasta oo cabsi keeni karo in laga saaro deegaanadii ay colaaduhu saameeyeen. Beel kasta waxaa waajib ku ah in ay ka shaqeeyaan wixiii nabada xoojinaya. Iyo in la tago meelihii ay colaaduhu ka goobihii ay colaadu ka abuurmeen si loo dhamaystiro dhammaynta colaadda,''ayuu yiri Cabdi Sheekh-doon Nageeye.

Qodobadan oo laga hor aqriyay waxgaradka iyo odayaasha lagula shiray deegaannada Deefoow iyo Kabxanley ayaa waxaa si wada jir ah u soo dhaweeyay waxgaradka dhinacyada ay khuseyso oo sheegay in ay xoojinayaan nabad-galyada kana foojignaan doonaan wax kasta oo colaad abuuri kara.

Nabadoon Axmed Cabdi Caalin oo ku hadllayay afka garab ka mid ah dhinacyada gaaray hishiiska hordhaca ah ayaa sheegay in ay adkeynayaan qodobada lagu hishiiyay, islamarkaana ka shaqeyn doonaan nabad-galyada iyo degnaashaha, isaga oo dhinaca kalana u mahad celiyay cid kasta oo ku howlan dhameynta khilaafka in mudo ah soo jiray.

Sidoo kale, Aadan Barre Max'ed oo u hadllay dhinaca kale ee hishiiskan uu quseynayo ayaa ballan-qaaday in ay adkeyn doonaan her-galinta qodobada lagu hishiiyay sii anbaqaadi doonaan dadaalada lagu hormarinayo nabada iyo degnaashaha.

Marka laga soo tago hay'adda CRD maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo ayaa bilihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlanaa dhameynta khilaafka beellaha, waxaana muuqata in dadaalkaa oo uu horay maamulka u waday ku soo biireen  xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka oo ka soo kala jeeday dhinacyada uu khilaafku u dhaxeeyo.

Asalka colaada beellaha wada dega deegaannada Deefoow iyo Kabxanley gobollka ayaa ah mid mid la xiriirta muran dhinaca deegaannka ah oo qolo walba ay sheeganeyso in ay milkiyadiisa leedahay, waxaana muuqata in hadda beelluhu isaga oo dhawaanayaan sidii hore.





C/raxmaan Diini, Hiiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya