4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Hay’adda bisha cas ee Dalka Turkiga oo Sheegtay in lacag Gargaar ah oo ku socotay Soomaaliya lagu haysto dalka Kenya

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Hay’adda Bisha Case ee Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in lacag gaaraysa 350,000 oo doollar oo gargaar ahaan ugu socotay Soomaaliya ay haystaan ciidamada Kenay.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in saddex sarkaal oo ka tirsan hay’addeeda oo lacagtan waday la sii daayay maalmo kaddib markii lagu qabtay dalka Kenya, balse weli aan lacagta lasii dayn.

Gargaarkan ayay sheegtay haya’dda bisha cas ee Turkiga in loog u talogalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed maalmaha Ciidul-Adxada ee foodda nagu soo haysa, iyagoo aan sheegin sababta weli lacagtaas loo haysto.

“Shaqaalaha hay’adda iyo lacagta ay wateen waxaa toddobaadkii hore lagu qabsaday dalka Kenya, saddexda sarkaal waa lasii daayay, balse weli waxaa maqan lacagtii,” ayaa lagu sheegay warbixinta hay’adda.

Lacagtan ayay hay’addu sheegtay inay ku shubtay bankiyada dalka Kenya, maadaama aysan Soomaaliya lahayn wax banki ah xilligan, balse ciidamada Kenya ay qabsadeen lacagta iyo mas’uuliyiintoodii oo markii dambe ay sii daayeen ciidamada Kenya.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga iyo safaaradda ay Nairobi ku leeyihiin ay dadaal weyn ugu jiraan sidii lagu sii dayn lahaa lacagtaas.

Hay’adda bisha cas ee Turkiga ayaa waxay ka mid tahay hay’adaha labadii sano ee ugu dambeeyay ka waday Soomaaliya howlaha gargaraka ah oo ay isugu jiraan dhismayaasha, quudinta dadka dhibaateysan iyo dhismaha xarumo lagu xannaaneeyo agoonta.

Dowladda Kenay weli kama aysan hadlin lacagta gargaarka ah ee Somalia u socotay ee dalkeeda ku xiran, sidoo kalena weli kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya arrintan.

Kenya ayaa waxaa toddobaadyo ka hor ka dhacay weerar ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab, kaasoo lagu qaaday dhisme ganacsi oo ku yaalla bartamaha magaalada Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya