3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 10, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo saaka weeraray Tuulo ay ka Talinaysay Al-shabaab oo u dhexeysa Baydhabo iyo Waajid

Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weeraray tuulo la yiraahdo Ceeldhuun-Adeegow oo 45-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, deegaankaas oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab waxaana marta waddo oo xiriirisa Waajid iyo Baydhabo.

Weerarka ayaa kadis ku noqday ciidamada Al-shabaab oo deegaankaas ku sugunaa, iyadoo dagaalku uu socday muddo saacado ah, waxaana la soo sheegayaa inay ka dhasheen dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac soo kala gaartay labada dhinac.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa waxay sheegayaan in afar ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen, iyadoo ciidamada dowladda ay dagaalkaas kaddib isaga soo tageen, halkaas, waxaana wararku intaas ku darayaan inay ciidamada dowladdu kasoo carareen laba askari oo dhaawacyo qaba.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
10/10/2013 12:28 PM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Qarax geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ayaa gellinkii dambe ee maanta waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa, iyadoo kooxihii weerarkaas geystay ay baxsadeen.

10/10/2013 10:58 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Kadib kulamo ay maalmihii la soo dhaafay la lahayd hay'adda cilmi-baarista iyo wadatashiga ee CRD odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda beello wada dega gobolka Hiiraan oo in mudo ah khilaaf uu ka dhaxeeyay,ayaa markii ugu horeysay waxaa ay beellahaasi gaareen hishiis hor dhac ah oo la doonayo lagu soo afjaro khilaafka mudaba soo jiitamayay.

10/10/2013 10:22 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa dalka Itoobiya ee ku sugan degmada degmada Bardaale ayaa Maanta la wareegay deegaanka Qansax-Oomane oo 24-km u jira degmada Bardaale, halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogagga Alshabaab.

10/10/2013 9:10 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Hay’adda Bisha Case ee Turkiga ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in lacag gaaraysa 350,000 oo doollar oo gargaar ahaan ugu socotay Soomaaliya ay haystaan ciidamada Kenay.

10/10/2013 9:02 AM EST
Khamiis, October 10, 2013(HOL) :- Iyadoo dhawaan la filayo in magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka dhacdo doorashada maamulka gobolka Hiiraan taasoo ay qabanqaabadiisu imika socoto ayaa waxaa isu soo taagay xilka gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Injineer C/casiis Axmed oo kamid ah qurba joogta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee dalka Switzerland.

10/10/2013 8:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya ayaa lasii daayay, kaddib markii kooxo hubeysan ay saakay aroortii kala baxeen hoteel uu ka degenaa magaalada Tripoli ee xarunta dalkaas.

10/10/2013 8:47 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Hay’adaha CRD iyo DAN GUUD oo hoos-tagta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdisho ugu soo gabagabeeyay dhallinyaro Soomaaliyeed tababar dhinaca muusiga ah, kaasoo noqonaya tababarkii ugu horreeyay muddo 30-sano ah la siiyo dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana dhallinyarada tababarkan ku guuleysatay ay isugu jireen wiilal iyo gabdho.

10/10/2013 7:49 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Shir ay golaha wasiirradu maanta ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kusoo dhaweeyeen duqeyntii uu ciidammo ka tirsan kuwa Mareykanku ka fuliyeen horraantii toddobaadkan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/10/2013 7:29 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay dhibaatada nolosheed ka dhalan karta xayiraadda uu bangiga Barclays ee dalka Britain uu kusoo rogay xawaaladaha Soomaalida.

10/10/2013 7:13 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Al-Shabaab ayaa sheegtay inaan laga dhoofin karin dhuxusha dekedda magaalada Kismaayo, iyadoo uga digtay ganacsatada dhuxusha inay dhuxul ka dhoofiyaan dekedda Kismaayo.

10/10/2013 2:04 AM EST
Khamiis, Oktoobar 10, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay hoteel uu deggenaa ka afduubay ra’iisul wasaaraha KMG ah ee dalka Liibiya, Cali Zeydan iyadoo afduubku uu ku dhacay si nabadgalyo ah.