4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 8 , 2013
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo shaaciyay in dalkiisu uu gacan weyn ka geysanayo dib u soo celinta Nabadda Somalia


Jimco, November 08, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom oo toddobaadkan booqasho ku yimid Muqdisho kulammana la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan weyn ka geysan doono dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

Dr. Tedros ayaa heshiiskii ay ku gaareen ergooyinka Jubbooyinka Muqdisho ku tilmaamay mid horay loogu sii dhaqaajinayay heshiiskii bishii Ogoosto ee sannadkan ay dowladda Soomaaliya iyo iyo maamulka KMG-ka ee Jubba ku gaareen magaalada Addis Ababa.

“Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo mareen xilliyo aad u adag, balse hadda waxaan diyaar u nahay inaan billowno xilli cusub oo wada-shaqeyn iyo is-kaashi ah,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Itoobiya waxay diyaar u tahay in ay ka qaybqaadato nabad kusoo celinta Soomaaliya, waxaana labada shacab iyo labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqayaa inay si dhow uga shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa xiriirka mustaqbalka labada dal, si aan u noqonno laba dal oo daris ah oo aan iska illownokhilaafaadyadii hore.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliy ay xilligan ka socdaan heshiisyo ay guulo waaweyn kasoo baxeen. Isagoo ku taliyay in lasii wado wadahadallada lagu soo celinayo nabadda iyo horumarka Soomaaliya, lagana fogaado inuu qof walba ka fikiro dantiisa gaar ah, balse laga wada-shaqeeyo danta guud.

“Itoobiya waxay ballan-qaadaysaa inay uga caawiso Soomaalida si walba oo ay awooddo sidii uu miro-dhal ku noqon lahaa heshiiskii lagu gaaray Addis Ababa, kaasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu ku daray hadalkiisa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanshaha wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiiya uu tagay Muqdisho ku tilmaamay mid taariikhi ah, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay muddo 23-sano oo wasiir arrimo dibadeed oo Itoobiya ka socda uu habeen ku hoydo Muqdisho.

“Soomaaliya iyo Itoobiya xiriirkooda muddo 70-sano ka badan wuxuu ahaa mid aan wanaagsanayn, balse hadda waxaa labada dowladooda u billowday iskaashi iyo wada-shaqeyn saxiibtinimo oo dhab ah. Waxaana naga go’an in xiriirkaas uu noqdo mid waara,” ayuu madaxweynaha Somalia ka sheegay kulankii casho ah oo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya uu ka qaybgalay.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan (Jaawari) oo isaguna kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in khilaafyadii dhexmaray Somalia iyo Itoobiya ay ahaayeen kuwo ay mas’uul ka yihiin dowladihii hore ee soo maray labada dal, oo aysan ahayn kuwo u dhexeeya labada shacab.

“Xukuumadaha Soomaaliya iyo Itoobiya waa inay adkeeyaan xiriirka cusub ee dhinaca siyaasadda ah oo u billowday, waana in lasoo xiro xiriirkii horay u jiray ee labada dal ka dhexeeyay, kaasoo ku saleysnaa dhaqanka,” ayuu yiri Jawaari.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa dhexmaray dagaallo khasaare badan ay ka dhasheen, kuwaasoo sababay in labada dal uu dhexmaro khilaafkii ugu adkaa ee dhexmara laba dal oo Afrikaan ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya