4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo Sarfar ku Tagay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Arbaco, November 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa safar ku tagay maanta degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo uu ka fatahay webiga Shabeelle.

Safarka madaxweynaha ayaa wuxuu salka ku hayaa sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda nololeed iyo midda bani’aadamnimo ee ka jirta degmada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Ammaanka degmada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo lagu arkayo xaafadaha degmadaas ciidammo fara badan oo loogu talogalay inay sugaan amniga magaalada inta uu madaxweynuhu joogo.

Waxaa lagu wadaa madaxweynaha inuu la kulmo odayaasha, haweenka iyo maamulka gobolka Shabeellada dhexe, isagoo kala hadli doona xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool deegaannada ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen.

Intii wafdiga madaxweynaha Soomaaliya aysan gaarin magaalada Jowhar ayaa waxaa duleedka bari ee magaalada ka qarxay dagaal beeleed aad u culus, kaasoo ay ku baxeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo ciidammada dowladda.

Dagaalkan ayaa daba-socday dagaallo horay looga heshiiyay, iyadoo ay isku haystaan beelaha dagaalamaya dhul beereed muddo uu muran jiitamayay ka taagnaa.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii labaad oo uu madaxweynaha Soomaaliya ku tago magaalada Jowhar, isagoo safar dhinaca dhulka ah ku tagay Jowhar bishii September ee lasoo dhaafay, waxaase booqashadan ay kusoo aadday xilli dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay inaysan waxba ka qaban fatahaada uu webiga Shabeelle ka sameeyay degmada Jowhar iyo hareeraheeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya