4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Haya’dda ADESO oo ka hadashay go’aankii ay Maanta Maxkamadda sare ee Britain ku gaartay in Xawaaladuhu ay sii Shaqeeyaan


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Hay’adda African Development Solutions ADESO ayaa ka hadlay go’aankii ay maxkamadda sare ee dalka Britain ay ku gaartay maanta inay sii shaqeeyaan xawaaladaha Soomaalida ayaa ku tilmaamay tallaabo wanaagsan, balse loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrintan.

Maxkamadda sare ee Britain ayaa go’aankeedan waxay ku sheegtay inuusan Barclays Bank xiri karin xisaabaadyada ay shirkadda xawaaladda Dahabshiil ku leedahay, waxaase laga yaabaa in go’aan dhameystiran arrintan laga gaaro sannadka soo socda ee 2014-ka.

“Waan soo dhaweynaynaa go’aanka maxkamadda sare ee Britain ay gaartay waana war u wanaagsan dhegaha Soomaalida, gaar ahaan kuwa dibadaha ku nool iyo qof walba oo daneynaya mustaqbalka dalka. Go’aankan waa mid loo baahnaa, balse waa mid macnihiisu yahay in xaawaladuhu ay muddo sii shaqeyn karaan, waxaana la doonaynaa in laga gaaro arrintan xal waara oo muddo fog ah,” ayay tiri Degan Cali oo ah madaxa haya’dda ADESO.

Sidoo kale, Degan waxay sheegtay inaysan marna ka hari doonin hadfkooda ah inay garab-taagnaadaan xawaaladaha, ayna arrintan daba socon doonaan inta go’aan dhameystiran laga gaarayo.

“Xukuumadda Britain waxay horay u sheegtay in la helo xal lagu xaqiijinayo in lacagaha lagu diro xawaadalaha ay noqdaan kuwo meel wanaagsan mara, taasina waa mid looga baahan yahay dowladda Soomaaliya, balse innagu tan aan ka hadlayno waxay tahay in dhaqaalaha loo dirayo Soomaalida ku nool dalka ay sii socdaan maadaama ay dalka ka jiraan xaalado aadamnimo oo aad u daran,” ayay Degan hadalkeeda raacisay.

Barclays Bank ayaa ahaa bankiga keliya ee la mariyo lacagaha ay Somalia u soo dirayaan Soomaalida ku nool dalka Britain, si ay u gaarsiiyaan dadkooda ku nool gudaha Soomaaliya. Go’aanka maxkamadduna waa mid horseedaya in malaayiin Soomaali ah oo dibadaha ku nool ay helaan meel ay lacagaha u sii mariyaan ehelladooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya