4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay dhawaan Imaan doonaan dalka Quburo ka socoda Qaramada Midoobay


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaciyay inay imaan doonaan Soomaaliya quburo ka socota Qaramada Midoobay oo ka caawin doona doorashooyinka dalka ka dhici doona sannadka 2016-ka.

Prof. Jawaari ayaa hadlkan ka sheegay kulan uu baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeeshay Muqdisho, isagoo sidoo kalena xusay in dhawaan ay ka doodi doonaan hannaanka asxaabta badan ee dalka.

“Waxaa dhawaan noo imaan doona quburo ka socota Qaramada Midoobay oo Baarlamaanka ka taageeraya arrimaha doorashooyinka mustaqbalka ka dhici doona dalka,” ayuu ku yiri Prof. Jawaari khudbad uu ka jeediyay golaha shacabka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay aykasoo jawaabtay codsi ay horay ugu gudbiyeen oo ku aaddan inay baarlamaanka ka caawiyaan dhinaca doorashooyinka ayna u soo diraan quburo caalami ah.

“Baarlamaanku waxyaabo badan ayuu ka faa’iidi doonaa quburada dhawaan u imaanaysa, waana tallaabo guul ah haddii aan fursad u helayno inaan ka faa’iideysanno quburada habka ay u dhacaan doorashooyinka,” ayuu mar kale yiri Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha oo si hadlay ayaa yiri: “Maalmaha soo socda ka doodaynaa hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee dalka, kaasoo aan kaga gudbayno habka awood qaybsiga ee ku dhisan beelaha.”

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay madaxda dowladda Soomaaliya ka dhawaajiyeen dhawaan inay ka go’an tahay in marka la gaaro sannadka 2016-ka ay ka dhacdo Soomaaliya doorasho xor ah.

Soomaaliya ay ka jirto dowlad rasmi ah ayaa waxay madaxda dowladdan dadaal ugu jiraan sidii looga bixi lahaa colaadihii dalka ka jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay in madaxda dowladaha soo socda ay ku yimaadaan hab doorasho ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya