4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 5 , 2013
SHEEKH AXMED MADOOBE: “Waxaan Doonayaa in la i cafiyo, Aniguna waan cafiyay cid walba oo wax iga sheegtay” (SAWIRRO)


Talaado, November 05, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba oo ku sugan Muqdisho ayaa ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo xalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho inuu cafiyay cid walba isaguna uu ka doonayo shacabka inay cafiyaan.

Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa ka sheegay xafladdan oo uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir inuu rajo wanaagsan ka qabo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka socda uuna filayo in shacabka Jubbooyinka ay ku gaaraan xal waara.

“Anigu qof walba oo wax iga sheegay waan cafiyay, aniguna waxaan doonayaa in la I cafiyo, waayo wax badan baa iga dhacay,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo xusay inay dib ugu laaban doonaan Kismaayo iyagoo gacmaha is-haysta.

Hoggaamiyaha Jubba ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo inay isugu keenaan Kismaayo gabi ahaan maamullada gobollada dalka oo dhan si uu u dhexmaro wadahadal iyo is-afgarad.

Sidoo kale, waxaa xafladdii xalay ka hadlay Axmed Diiriye Cali oo isaguna ka dalbaday dadkii goobtaas isugu yimid inay cafiyaan, maadaama uu dagaallo sokeeye soo maray, wuxuuna si gaar ah cafis uga dalbaday shacabka gobollada Jubbooyinka kasoo jeeda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Mas’uuliyiin kasoo jeeday gobollada Jubbooyinka oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shirk aka socda Muqdisho ayna dib ugu laaban doonaan Kismaayo iyagoo gacmaha is-haysta.

Guddoomiyaha Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo isaguna hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Muqdisho ay ergooyinka ka yimid gobollada Jubbooyinka soo dhaweynayso.

“Muqdisho iyo Kismaayo way isku xirmeen. Gobol wax noqon karana ma jiro iyagoo aan ku xirnayn Muqdisho, sidoo kalena Muqdisho waxba ma noqon karto iyadoo aan ku xirnayn gobollada dalka,” ayuu yiri Tarsan.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdirkariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu rajeynayo in shirka Jubbooyinka ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay rajeynayaan in gobollada kale ee dalka ay siiyaan fursad noocan oo kale ah, wuxuuna sheegay in Soomaalida looga baahan yahay inay gacmaha is-qabsadaan oo uusan tafaraaruq waxba soo kordhinayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya