4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Munaasabad lagu soo Dhaweeyay Fannaaniin iyo Ruug-caddayaal Isboorti oo Maanta lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa lagu qabtay maanta munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweeyay xubno isugu jiray fannaaniin iyo ruug-cadaayaal isboorti oo Soomaaliyeed, kuwaasoo maalmahanba ku sugunaa Gaalkacyo.

Munaasabaddan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay mid ka mid ah kooxaha Isboortiga dalka oo ka dhisan Gaalkacyo, kooxdaasoo lugu magacaabo COMSED FC, waxaana qaban-qaabadeeda lahaa milkiila kooxda, Dr C/qaadir Jaamac (Dhaga-cadde) iyo guddoomiyaha kooxdaas C/qani Khaliif Carabeey.

Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiinta maamulka magaalada Gaalkacyo oo uu hoggaaminayay duga degmada Gaalkacyo ee Puntland, Axmed Cali Salaad.

Xubnihii munaasabadda loo qabtay waxaa ka mid ahaa fannaanka, Maxamed Xasan Xuseen (Lafoole) iyo rug-cadagaa isboorti xilliganna ah guddoomiyaha mideynta qurbo-joogta Soomaaliyeed ee dhinaca isboortiga, Axmed Nuur Maxamed (Seyga Ruushka).

Furitaankii munaasabadda waxaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha kooxda  COMSED FC, C/qani Khaliif Carrabeey isagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan xubnaha fannaaniinta iyo ruug-caddayaasha isboorti ee Soomaaliyeed, isagoo sharraxaad ka bixiyay kooxda COMSED FC iyo sidii lagu aasaasay, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan inay noqoto koox dunida oo dhan laga yaqaan.

Dr. C/qaadir Jaamac (Dhaga-cadde) oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo inay marti-qaadaan shaqsiyaad misaan weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, ayna kusoo dhaweenayan Gaalkacyo.

Gaba-gabadii munaasabadda waxaa hadal xiritaan ah ka jeediyay Axmed Nuur Maxamed (Seyga Ruushka) oo hoggaaminayay xubnihii Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay in munaasabaddan oo kale loogu qabto Gaalkacyo, isagoo sheegay in intii ay magaalada joogeen ay aad uga heleen nabadda iyo horumarka ka muuqda magaalada.


Hiiraan Online, Gaalkacyo