4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Hay’adaha Bisha Cas iyo ICRC oo ka warbixiyay deeq ay gaarsiiyeen Dadkii ku Barakacay Duufaantii iyo Fatahaaddii Soomaaliya

Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Hayadaha bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo ICRC ayaa sheegay inay gargaar kala duwan cunno iyo agabta guryaha isugu jiray gaarsiiyay dadkii ay sameeynta xooggan ku yeelatay duufaantii dhawaan ku dhufatay qaar ka mid ah deegaannada Puntland iyo dadkii ku barakacay fatahaadihii webiga Shabeelle uu ka geystay daafaha degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Duufaantii roobabka iyo qabowga wadatay ee 10-kii bishan ku dhufatay qaar ka mid ah deegaannada Puntland ayaa salfatay nolosha dad badan, iyadoo sidoo kalena baabi’isay guryo iyo xoolo lagu qiyaasay hal milyan oo neef oo dadkii ku noolaa deegaannadaas dhaqanayeen.

Xiriiriyaha hay’adda ICRC ee Puntland, Abshir Cumar Jaamac ayaa warbixin ay hay’addu soo saartay maanta ku sheegay in qoysaskii ay saameynta ku yeesheen duufaantii Puntland ay gaarsiiyeen toddobaadkii hore agabyo kala duwan oo raashin uu ka mid ahaa.

“Hay’adaha ICRC iyo Bisha Cas ee Somalia waxay gargaar gaarsiinnay illaa 12,000 qof oo ay saameysay duufaantii Puntland, waxaana siinnay raashin bil ku filan iyo agabka guryaha lagu isticmaalo, waxaana dadka gargaarka la siiyay ay ku nool yihiin deegaannada lagu kala magacaabo; Dhir-waraabe, Lebi-cadaad, Xoolo-keen, Balli-shilin iyo Abqow,” ayuu yiri Abshir.

Sidoo kale, waxay dhibaato bani’aadamnimo ay ku habsatay dad ku noolaa gobolka Shabeellada Hoose, gaar ahaan degmada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow, iyadoo fatahaadahaas ay guryahooda ka barakaceen 10,000 oo qof, kuwaasoo xaaladahooda nololeed laga dayrinayo.

Waxaa iyaguna jira dad ka badan 5,000 oo qof oo ku barakacay colaado ka dhacay deegaanno 13-km dhinaca bari kaga beegan magaalada Jowhar, kuwaasoo iyaguna ay haysto xaalad dhinaca nolosha ah.

“Xaalad caafimaad-darro ah ayaa lasoo gudboonaatay qoysaskii fatahaaddu ay ka barakiciyeen guryahooda, kaddib markii ay wasaqoobeen ceelashii iyo meelihii kale ee ay biyaha ka heli jireen,” ayuu yiri May Hazim oo ah madaxa biyaha iyo nadaafadda ee hay’adda ICRC ee ka howlgasha Soomaaliya.

Dhanka kale, hay’adaha Bisha Case iyo ICRC ayaa ku sheegay warbixin ay soo saareen maanta in 25,800 oo qof oo ka mid ahaa dadkii ku barakacay fatahaaddii gobolka Shabeellada dhexe ay ku caawiyeen agab kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; agabka guryaha lagu isticmaalo, weelasha biyaha lagu dhaansado iyo dhar.

Howshan ayay sheegeen haya’daha Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo ICRC in ay sii wadi doonaan inta ay dadkaas kasoo kabanayaan muusiibooyinkii dabiiciga ahaa ee ku habsaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya