4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Dagaal u dhaxeeya dhinacyo ka Wadda Tirsan Maamulka Khaatumo Maanta ka dhacay Deegaan ka tirsan Gobolka Sool

Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya deegaanka God-qaboobe ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa maanta uu dagaal muddo qaatay ku dhexmaray dhinacyo kawada tirsan maamulka Khaatumo.

Warku wuxu inta ku darayaa in dagaalkan uu ka dambeeyey kaddib markii ciidamom ka yimid Buuhoodle oo ku socday degmada Taleex iyo ciidammo jooga duleedka God-qaboobe ay isku dhaceen.

Xilligan waxaa la sheegaya in xaaladda deegaanka uu dagaalku ka dhacay ay deggen tahay, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in ciidamadii ka yimi degmada Buuhoodle ay haatan u ruqaansadeen dhanka degmada Taleex, halkaasoo lugu waddo inuu ka qabsoomi shir u furmato Khaatumo.

Ma jiraan wali faah-faahin kasoo baxaysa khasaaraha dagaalka ka dhashay, balse Caaqil Cabdisalaan Muuse Deri oo ka mid ah waxgaradka deegaanka oo warbaahainta gudaha la hadlay ayaa sheegay inaysan wali jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray, balse ay ka warhayaan in xilligan dagaallku uu qaboobay.

“Dagaallku xilligan wuu jogsaday, balse ma jirto cid noo sheegtay khasaaro dagaallka ka dhashay, ma fileyno khasaaro la'aan, wayao dagaallku muddo saacado ah ayuu socday ciidamaduna waxay isku adagsadeen hubka kala duwan, waxaa jirta garabyadii dagaallamay in midkood uu u soo dhaqaaqay dhinaca Taleex halkaasna wali war nagama soo garain,” ayuu yiri Caaqilka oo ka mid ah waxgaradka deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

Dagaallkan ayaa imaanaya xilli dhawaanahanba laga sharqaminayay xiisad dagaal oo u dhaxeysa beelaha wadda dega deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo uu qaybo ka mid ah ka taliyo maamulka Khaatumo.

Hiiraan Online, Gaalkacyo