4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Aas Qaran oo Maanta Hargeysa loogu sameeyay Marxuum Qaybe oo shalay ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Ilaahay ha u naraxiistee waxa maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa siyaasi ruug cadaa oo taariikh ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed.

Marxuum Qaybe,  ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Qaranka ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, waxaana aaskiisa ka soo qabgalay boqolaal dadweyne oo magaaladda Hargeysa  iyo gobolada kalaba  iskaga kala yimid.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, xildhibaanada labadda gole Baarlamaan, golaha wasiiradda iyo madaxda sarsare ee xisbiyada qaranka, ayaa dhamaantood ka hadlay taariikh nololeedkii iyo kaalintii uu Somaliland xornimadeeda iyo dib u dhiskeedaba ka soo qaatay illaa lixdankii , isla markaana waxay  ka markhaati kaceen inuu ahaa siyaasi khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leh arrimaha caalamka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay inuu marxuum Qaybe ka mid ahaa ragii dhidibada u aasay qaranimadda Somaliland, isla markaana ka mid ahaa ruug cadaadayadda siyaasada Somaliland.

“Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga siiyo Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa uu ahaa shaqsi taariikh dheer ku leh wadanka, waxa uu ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaanu uu dalka usoo galay dhib badan”ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlayey aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Qaybe.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Waxaanu intaas ku daray: “Magac iyo mamuus wayn waxa uu kulahaa dalka waxa uu ahaa nin karaamo leh oo xishmad iyo qadarinba ummadda ku dhex leh, marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo umada Somaliland ilaahay Samir iyo iimaan ha kasiiyo”.

Gudoomiyaha guddida qabanqaabada Aaska Qaran ee loo samaynayey marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ahaa wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maalmihii u dambeeyey la socday xaaladiisa caafimaad, ayaa sheegay inuu Marxuum Qaybe taariikh badan ku leeyahay Somaliland.

“Marxuunkaas aynu maanta joogno xabaashiisa ee loo sameeyey aaska qaran waxa  uu ahaa nin qaran oo dalka waxbadan usoo taray, ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo”ayuu yidhi Maxamed Biixi..

“Runtii waxa uu ahaa ragii inagaga hadhay ee xornimada Somaliland kala wareegay Ingiriiska ayaa uu ka mid ahaa, halgamaa dheer ayaa uu ahaa sida uu sheegay madaxwayne Siilaanyo waxa uu ahaa mujaahid qaran oo ka baxay dalka Somaliland”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Warancadde

“Qaybe wuxu ahaa xoriyaddii ay ingiirska ka heshay Somaliland raggii ku suntanaa ayaa uu ahaa, muddo 60 sanadood ku dhow waxa uu ahaa ragii usoo shaqaynayey qaranka, nidaamka dawladanimo ee imka lagu naloonayo ragii dhisay ayaa uu ka mid ahaa tariikh badan ayeynu ku xasuusan doonaa nin wanaagsan oo afgaaban ayaa uu ahaa”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin.

“Wuxuu uu ahaa shakhsi wayn oo tariikh wayn ku leh dalka somaliland waxa uu ahaa nin  halgamaa ah oo dalka dhibaato badan usoo maray si uu maruun u heli lahaaha dalka somaliland oo xor ah oo nabada ah maanta wadankii oo xor ah waa kaas dhintay”ayuu yidhi wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo toosiye.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna ka waramay taariikhdii dheeraa Marxuum Qaybe lahaa, iyagoo sheegay inuu shan iyo labaatan sanno ku jiray diblamaasiyada caalamka.

Sidoo kale, waxa iyaguna tacsi u diray shacabka Samaliland iyo qoyska marxuumka ka baxay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu xukuuumada ku dhaliilay inay dhakhtar dibadeed gayso intaanu geeriyoon.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland