4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Puntland oo Garoowe dib ugu Laabtay, kaddib socdaal uu ku tagay Degmada Taleex

Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Jen. Cabdisamad Cali Shire ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaddib 36-maalmood oo safarro uga maqnaa.

Jen. C/samad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa muddadaas socdaal dheer ku joogay degmada taarikhiga ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka Sool oo qaybo ka mid ah uu ka taliyo maamulka Puntland.

Wax war ah wali saxaafadda lagama siin imaatinka Jen. Shire ee uu ku yimid Garoowe, lamana xaqiijin karo sida uu ugu soo dhamaaday safarkii Taleex  uu ku tagay, balse waxaa la caddeeyay in degmada uu kusoo qaatay shirar kala gadisan oo uu la qaatay siyaasiyiin iyo odayaal-dhaqmeedka deegaankaas.

Socdaalka madaxweyne ku xigeenka waxaa ku waheliyay xubno xukuumada Puntland ka tirsan, waxaana muddadii ay ku sugnaayeen Taleex ay ka qeyb-qaateen hirgalinta mashaariic horumarineed oo degamadaas laga hirgaliyey.

Warar kale oo an helayno ayaa sheegaya inay suuro-gal tahay in socdaal saddexaad uu ku tago Taleex, balse waxaa dhinaca kale la sheegaya inay ka jiraan halkaas qorshayaal looga soo horjeeda safarradiisa.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Jen. Cabdisamad Cali uu dhawaan ku dhawaaqi doono inuu doonayo inuu u tartamayo xilka ku xigeenka madaxweynaha Puntland, taasina ay qayb ka tahay safarradiisa is-daba-joogga ah ee uu ku tagayo degmada Taleex oo uu kasoo jeedo.

Si kastaba arrintaan ha ahaatee, waxay tani kusoo beegmaysaa xilli muran xooggan uu ka taagan yahay habka ay ku imaan doonan xildhibaannada ka imaanay gobollada Sool, Sanaga iyo Ceyn, inkastoo ay jiraan dadaallo lagu doonayo in xildhibaannada lugu soo magacaabo.

Hiiraan Online, Gaalkacyo