4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Munaasabad ka Dhacday Kismaayo oo lagu Doortay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta ee Gobolka Jubbada Hoose (SAWIRRO)



Arbaco, November 27, 2013(HOL) :- Munaasibad ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayaa lagu doortay Gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta ee gobolka J/hoose, waxaana xafladani goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

Xafladdan doorashada ayaa waxa soo qabanqaabiyay guddi ay iska soo xuleen kooxaha ka dhisan degmooyinka gobolka J/hoose, waxaana xilka gudoomiyenimada isu soo taagay Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu).

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay hogaamiyekuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wuxuuna tallaabo horumar leh ku tilmaamay hogaanka cusub ee uu yeelanayo isboortiga gobolka J/hoose, isagoona ballan qaaday in maamulkiisa uu gacan ka geysan doono horumarinta isboortiga gobollada Jubooyinka.

Intaa kadib ayaa waxa bilaabatay doorashada, waxaana u codeysay musharaxii u taagnaa xilka gudoomiyaha ilaa far degmo oo kamid ah shanta degmo ee uu ka koobanyahay gobolka J/hoose, waxaana natiijada doorashada ku dhawaaqay C/samad Sheekh Qaasim oo ahaa gudoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada.

Masuulkan ayaa sheegay in xilka gudoomiyaha uu ku guuleystay Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu) oo helay codadka wakiillo ka socday afar degmo oo kamid ah degmooyinka gobolka J/hoose, halka mid kamid ahna ay ka aamustay.

Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu) oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay wakiilada degmooyinka gobolka J/hoose doorashada ay doorteen, isagoona ballan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii uu u horumarin lahaa Isboortiga gobolka J/hoose oo mudooyinkii u danbeeyay laga dareemayay dib u dhac aad u weyn.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.