4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Dowladda Sierra Leone oo sheegtay in Ciidankeeda Qaybta ka ah Howlgalka AMISOM aysan bilooyin helin Mushaarkoodii


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga dalka Sierra Leone oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Somalia ayaa sheegtay in laba bilood aysan ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM helin wax mushaaraad ah, ayna u baahan yihiin lacago ay howlahooda kusii wadaan.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa ku sheegtay in dowladdu ay bixisay mushaaraadka ciidamada qaar ka mid ah labadii bilood ee la soo dhaafay, tan iyo markiii ay ciidamadooda dhameystireenna ay heleen shan bilood mushaarkood.

“Ciidamadeenna waxaan dhameystirnay toddoba bilood ka hor, shan bilood oo ka mid ah ayayna heleen mushaarka uu bixiyo ururka Midowga Afirka. Labadii bilood ee ugu dambeysay wax mushaar ma helin, innaga ayaana ka siinaynay jeebkeenna lacago ka mid ah mushaarkooda,” ayaa warkan lagu yiri.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in askari walba oo ka mid ah ciidamada Sierra Leone ay dowladdu siinaysay 100 doollar oo keliya, inta ay ka helayaan mushaarkood.

Ciidamada ka socda dalka Sierra Leone ayaa waxay ku sugan yihiin gobolka Jubbada Hoos ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay dhowr jeer dagaallo khasaare nafeed geystay kula galeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo cabasho noocan oo kale ah ay jeediyaan dalalka ay icidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya, balse dalalka Burundi iyo Uganda ayaa iyagu horay u sheegay in ciidamadooda aysan dhowr bil mushaaraad helin. Inkastoo markii dambe la siiyay.

Ururka Midowga Afrika ayaan ka hadlin warka kasoo baxay dalka Sierra Leone oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo Midowg Afrika uu horay u sheegay in lacagaha ciidamadu ay soo daahaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya