4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
WASIIRRADDA ARRIMAHA DIBADDA: “Midowga Yurub Waa Saaxiib Dhow oo ay Somalia ku leedahay Caalamka" (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaaminayso oo baryahan ku sugnaa Brussels ayaa maanta soo gaba-gabeynaya shirka ay halkaas uga qayb-galayaan kasoo looga hadlayo horumarinta caalamka.

Wasiiradda ayaa shirka inta uu socday kulammo gaar-gaar ah la yeelatay mas’uuliyiin kala duwan oo ay kala hadlaysay soo xoojinta xiriirka iyo sidii dalalka caalamka ay uga dhabeyn lahaayeen ballan-qaadyadooda oo ay dowladda Soomaaliya garab-weyn ugu siin lahaayeen qorsheyaasha lagu xasilinayo dalka iyo kuwa lagu dar-dar-gelinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah iyo sidii mashaariic horumarineed loogu heli lahaa dalka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Fowziyo ayaa sheegtay in Soomaaliya ay maanta horumar ballaaran ku tallaabsatay caalamkana laga codsanayo inay dowladda qorsheyaasheeda taageeraan. Wasiiradda ayaa warbixin kooban ka bixisay horumarka dalka uu ku tallaabsaday gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, shirarka Qaranka ee dadka talada laga qayb-galinayo iyo qorsheyaasha ay dowladdu soo bandhigtay.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa ku nuux-nuuxsatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf-dhabarka bulshada loona baahan yahay in loo abuuro shaqooyin iyo mashaariic keeni kara in dalku dib u dhismo.

“Midowga Yurub waa saaxiib dhowr oo ay Soomaaliya ku leedahay calaamka,” ayaa ka mid ahaa hadal ay wasiiraddu ka sheegtay Brussels, iyadoo xustay in Midowga Yurub ay dadaal ugu jiraan sidii ay Soomaaliya dib ugu dhismi lahayd.

Ugu dambeyn, wasiiradda ku dhiirri-gelisay dhiiri saxiixayaashii Compact in la soo dadajiyo dhaqaalihii lagu ballanqaaday si dalka loo gaarsiiyo marxalad horumarineed kaddib sannado badan oo colaado ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya