4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Madaxweynaha Somaliland la Kulmay Shirkadda GENEL ENERGY oo Sahmin Shidaal kawadda Deegaannada Somaliland (SAWIRRO)


Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madax ka socotay shirkaddii Sahaminta shidaalka ka waday Somaliland ee GENEL ENERGY.

Madaxweynaha iyo masuuliyiintan shirkadda Sahaminta shiidaalk ee Genel Energy ayaa ka wada hadlay sidii ay dib uga bilaabi lahaayeen shaqadii ay ka wadeen Goboladda Bariga Somaliland oo dhowaan si kadis ah uga baxeen, isla markaana u joojiyeen sahamintii ay wadeen.

Wasiirada arrimaha dibadda, Macdanta iyo Tamarta iyo maamulaha shirkadda GENEL ENERGY Mr Tony Haward oo shirjaraa’id ku qabatay  xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay hawsheeddii sahaminta ee dhinaca shiidaalka ka sii wadi doonta dalka, isla markaana si caadi ah u gudan doonaan hawlihii ay ka wadeen.

Wasiirka Macdanta iyo biyaha Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay in wadahadaladii midho dhalka ahaa ee u socday dawladda Somaliland iyo shirkadaasi ay guul ku soo gebageboobeen dibna ay u sii ambaqaadi doonto shirkaddu fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Madaxa shirkadda Sahaminta Shiidaalka GENEL ENERGY Mr Tony Haward oo isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu soo noqoshada Somaliland, shirkaduna ay dib u bilaabi doonto hawlihii dhinaca sahaminta shidaalka ee ay ka waday dalka.

Madaxa shirkadda GENEL ENERGY waxa uu sheegay inuu aad u soo dhoweynayo is afgaradka dhexmaray shirkadiisa iyo dawladda Somaliland iyo kulanka ay maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay kulan muhiim u ahaa labada dhinac.

Wasiirka wasaaradda Arimaha dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Xukuumadda Somaliland ballanqaadayso wada shaqayn buuxda oo ay la samayn doonto Shirkaddan GENEL ENERGY ee ku hawlan sahaminta shidaalka ee Somaliland.

Kulankan waxa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Saylici, Wasiirrada Arrimaha dibada, macdanta,Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiin kale.

Shirkadan sahaminta shiidaalka ayaa dhowaan si kadis ah uga baxday Somaliland, iyadoo sheegtay inay arrimo amni daro uga baxday, haseyeeshee wada hadal dhexmary xukuumada iyo shirkadda ayaa loogu guulaystay inay dib uga hawlgasho oo shaqadeedii dib ugu soo noqotay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland