4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Dagaal ka dhacay Degmada Luuq iyo Nin Hubeysan oo Shan qof oo Qoys ka soo wada-jeeday ku dilay duleedka Daynuunaay

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay iskahorimaad maanta ku dhexmaray degmada Luuq ee gobolka Gedo laba ciidan oo kala taageersan maamullada Jubba iyo maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo lagu wado in lagu dhiso shir ka socda Baydhabo.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan ayaa muddo kooban ka socday gudaha Luuq iyadoo dadka ku dhintay ay ku jiray haweeney rayid ah oo ka tisran dadka degmadaas ku nool.

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ayaa sheegaya in ciidanka dagaalamay ay wadaan hub urursi xooggan, iyadoo kala qayb-sanaanta ciidamadan soo dhex-gashay ay kusoo beegmayso xilli lagu wado in Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo sidii ajande loogu dajin lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.

Sidoo kale, nin hubeysan ayaa shan qof oo kasoo hal qoys oo ay ku jiraan laba caruur ah ku dilay deegaan ku yaalla deegaanka Daynuunaay ee ka tirsan goblka Bay, iyadoo ninka dilka geystayna uu goobta isaga baxsaday.

Lama oga sababta keenay in ninkan uu laayo dadkan shacabka ah, waxaana ku raad-jooga sidii ninkaas loosoo qaban laha dadka deegaankaas ku nool iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo Baydhabo ka tagay.

Ma ahan falkan kii ugu horreeyay oo ka dhaca goblka Bay, balse dhowr jeer oo hore ayay falal noocan oo kale ah ka dhaceen, kuwaasoo ku saleysan arrimo qoys.

Hiiraan Online, Baydhabo