4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Madaxweynaha Somalia oo ka Qaybgalay ciyaar ka mid ah Horyaalka dalka oo dhexmartay Jeenyo iyo Elman (SAWIRRO)


Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb-galay cayaarta kubadda cagta ee horyaalka heerka 1-aad ee dalkeenna Soomaaliya, taasoo dhexmartay kooxaha Jeenyo iyo Elman.

Booqashada oo taarikhi ah ayaa ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Banadir Stadium. Madaxweynaha ayaa wuxuu daawaday cayaartii labada kooxood dhexmartay, intii aysan ciyaartu billaaban ayaa madaxweynuhu wuxuu gacan-qaaday cayaartoydii labada naadi iyo garsoorayaashii ciyaarta dhex-dhexaadinayay, isagoo laaday kubadda.

“Dhamaan ciyaartoda waan salaamay waxaad maanta marqaati ka tihiin horumarka ay Soomaaliya dhawaanahan gaartay,” ayuu madaxweynuhu ka yiri garoonka kubadda cagta, isagoo intaas raaciyay: “Labo sano ka hor garoonkan wuxuu saldhig u ahaa Al-Shabaab iyagoo kasoo abaabuli jiray falalka argagixiso. Maanta waxaa farxad noo ah in garoonka uu dib ugu soo laabtay gacmihii iska lahaa una suuro-geliyay in dhallinta Soomaaliyeed ay ku cayaaraan cayaarta loogu jecel yahay caalamka oo ah kubadda cagta.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku sheegay in cayaaraha ay ka yihiin qayb nabadda, horumarka iyo is dhex-galka bulshadda. Isagoo xusay in ciyaartoyda ay hormuud u yihiin Soomaaliyadda cusub.

“Waxaan idin kugu sacbinayaa geesinimadiina iyo howlkarnimadiina idinkoo ummadda Soomaaliyeed u horseeday waxa ay jecel yihiin oo ah kubadda cagta sida ummadaha kale ee caalamka. Tanina  waa guul weyn oo innaga oo dhan noo soo hoyatay. Waana ku mahadsan tihiin inaad ka shaqeyseen arrinkan inuu dhaco,” ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay maamulka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo ciyaartoydii halkaas ku sugnaa.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay xiiriika Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo FIFA wada-shaqeynta ay dib ugu soo nooleeyeen kubadda cagta  dalka Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xulka Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan ka qayb-gali doono ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika u rajeeyay guul, isagoo guushaas ku tilmaamay mid u soo hayanaysa dadka Soomaaliyeed oo dhan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya