4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Wafdi ka socda Dalka Kenya oo u tagay Britain in Jaadka aan la mamnuucin iyo Soomaalida Dalkaas oo soo dhaweysay

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka dalka Kenya ayaa u tagay magaalada London in dowladda Ingiriiska ay kala hadlaan cuna-qabatayn ay dowladda wadankaasi sheegtay in la saari doono  qaadka miirowga oo Kenya dhoofintiisa ay ka heli jirtay dhaqaalo tiro badan.

Wafdiga tagay magaalada London ayaa waxaa hogaaminaya xildhibaan Kiraitu Murungi, waxaana la socda 11 xildhibaan oo kale, kuwaasi  oo inta ay joogaan kulamo kala duwan la yeelan doona xubno sar sare oo ka tirsan madaxda Ingiriiska.

“Waxaan hortagi doonnaa guddi ka socda aqalka sharci dajinta dalka Britain (House of Commons) si aan uga dhaadhicino qorshaheena la xiriira in cuno-qabataynta la baajiyo “ayuu yiri Kiraitu oo la hadlay warbaahinta maalintii shalay.

Mas'uulkaan ayaa intaa ku daray in qorshahoodan ay taageero uga heli karayaan madax ka tirsan barlamaanka dalka Ingiriiska, kuwaasi oo horay u qaadacay  tallaabadaas oo  dowladdu ay  ku doonayso in meesha laga saaro gabi –ahaanba isticmaalka qaadka.

Mar sii horreysay waxaa arritan si gaar ah uga soo horjeesatay haweeneyda Theresa May oo ah haweynay awood badan ku dhex-leh barlamaanka Ingiriiska, taasoo sheegtay inuu qaadku dhibaatooyin baahsan u gaystay bulshada London oo ay Soomaalidu ku jirto.

Waxaa si gaar ah ula shaqaynaya xildhibaanada ku sugan London ee ka socda Kenya Ms Florence Kajuju oo iyadana  madax ka ah guddiga diyaarinaya shirka labada dhinaca dhexmaraya, kaasoo maanta dhacaya waxaana ay kaalin fir-fircoon ku yeelan doontaa in labada dhinac ay wax isla meel dhigaan.

“Go’aanka ay qaadan doonto maxkamadda sare ee dalka laguna xalinayo arintan ayaan ka war sugaynaa “ayuu ku daray hadalkiisa ,isagoo xusay in ay dadaal badan ku bixin doonaan baajinta arintan.

Ganacstada qaar ee qaadka u soo dhoofiya London ayaa ku eedyay Theresa May in ay ka gaabisay xal-ka gaaridda arintan ,iyaga si gaar ah dusha ugu saariyay eedayn la xiriirta in go’aan aan haboonayn ay qaadatay si cuno-qabataynta looga dhabeeyo.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa ah tirada ugu badan ee isticmaasha jaadka Miirowga ,waxaana badankood ay si cad uga soo horjeesteen in dowladda ay  qaadka mamnuucdo ,iyaga oo ku tilmaamay mid ay noloshooda  ku tiirsan tahay, waxaana soo dhaweeyeen dadaaladda ay Kenya wado ee arintan la xiriirta.

Ugu danbayn, haddii xal laga gaari waayo qorshahan ay wataan xubnaha ka socda dalka Kenya ,waxaa dowladda Ingiriska ay ku qasbanaan doontaa in la hakiyo jaadka loo soo dhoofiyo London iyo guud ahaanba Ingiriiska ,iyadoo  arintan si gaar ah u saamayn doontaa Soomaalida London oo si aan caadi ahayn u isticmaala Mirowga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya