4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo si adag u cambaareeyey weerarkii degmada Beledweyne ka dhacay, kana Tacsiyeeyay

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii maanta lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Waan cambaareynayaa weerarka fuleynimada ah ee lagu qaaday saldhigga booliiska Beledweyne oo ahayd halka lagu kala garsooro shacabka, maalin kastana laga fuliyo howlaha adeega dadweynaha,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weerarkaas, wuxuuna ALLE uga baryaya inuu jannada geeyo, samir iyo iimaana ka siiyo dadkii ay ka baxeen iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

“Kooxaha nabad-diidku waxay mar kasta dhibaatada ugu badan u geystaan shacabka, mana ka daalayaan daadinta dhiiga shacabka,” ayuu mar kale yiri Saacid oo sheegay in dowladdu ay dadaal u galayso sidii weerarrada noocan oo kale ay uga hortegi lahayd.

Weerarkii ka dhacay Baladweyne oo isugu jiray mid toos ah iyo mid gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qaraxa loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhintay dad u badan shacab, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa kacsan, iyadoo ciidamada amnigu ay ku jiraan baaritaanno ku saabsan sidii lagu xaqiijin lahaa khasaarihii nafeed ee weerarkaas ka dhashay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya