4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Agaasimaha Isku-dubaridka Gar-gaarka Somalia oo Dalka South Korea kaga Qayb-galaya shir looga hadlayo Xoojinta Gargaarka


Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Agaasimaha cusub ee waaxda isku-dubaridka gar-gaarka Soomaaliya (Aid Coordination Unit), Axmed Ceynte ayaa magaalada Soul ee dalka South Korea uga qeybgalaya shir looga hadlayo sidii gargaarka loo xoojin lahaa (Busan Global Partnership Forum).

Agaasimaha oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha New Deal uu yahay hab cusub oo lagu horumarinayo Soomaaliya kaddib markii dalku uu ka baxay xilligii colaadaha oo loo gudbay xilli horumarineed.

Kulanka ayaa arrimihii looga hadlay waxaa ka mid ah sida ugu habboon ee gar-gaarka iyo mashaariicda horumarineed loo gaarsiiyo shacabka Somalia. Agaasimaha ayaa goobta ka sheegay in qorshaha New Deal uu yahay mid hubinaya in caalamku ay bedelaan sidii ay hore ula macaamiil jireen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Si loo isticmaalo Soomaalida oo aqoon wanaagsan u leh dalka. Waxaa muhiim ah in la horumariyo tayada iyo xirfadda Soomaalida si dalka uu u gaaro horumar dhan walba ah, qorshe walbana waa inuu ahaa mid ay Soomaalidu horseed ka tahay.

Agaasime Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sannadkii 2012-kii dhammaadkiisa uu ku baaqay in la hirgeliyo mashruuca iyo qorshaha New Deal, isla markaana uu ka dhaadhiciyay caalamka, iyadoo qorshuhu ahaa in dhammaan caalamka ay deeqahooda iyo gar-gaarkooda noqdaan kuwo hal meel laga hago oo keentay in la abuuro Waaxda Isku dubaridka Gar-gaarka Soomaaliya oo hadda dalka laga hirgeliyey.

Sidoo kale Compact-kii lagu saxiixay Brussels 16-kii September ayaa lagu qeexay muhiimadda isku dubaridka gargaarka iyo mashaariicda dhinaca horumarineed oo ah hab la aaminsan yahay inay ku haggaagayso in gar-gaarka iyo mashaariicda ay gaaraan goobihii loogu talagalay iyadoo dowladdu ay hormuud ka tahay qorsheyaashaas.

Waaxda isku-dubaridka gar-gaarka Soomaaliya (Aid Coordination Unit) ayaa la filayaa inay sahasho xiriirka caalamka iyo dowladda Somalia ayna sidoo kale fududeyso in qorshaha gar-gaarka iyo horumarkaba uu noqdo mid ay dowladdu hageyso oo ay maareyneyso bacdamaa dalka uu yeeshay dowlad rasmi ah oo caalamku aqoonsan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya