4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Isbahaysiga Jubilee ee xukuma dalka Kenya oo doonaya inay ciidamadooda kala soo baxaan wadanka Soomaaliya
uhuruto
Talaado, November 19, 2013 (HOL) - Isbahaysiga haysta aqlabiyada xukunka wadanka Kenya ee Jubilee ayaa qaadaya tallaabooyin looga jawaabayo go’aankii ay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku diideen in la baajiyo maxkamada la saarayo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha isbahaysiga ayaa shaaciyay in tallaabooyinkan ay kamid tahay kala soo bixitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya iyo waliba xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Senator-ka laga soo doorto Tharaka Nithi Mr. Kithure Kindiki iyo gudoomiyaha xisbiga TNA Mr. Johnson Sakaja oo labaduba ka tirsan isbahaysiga Jubilee ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka in ay tallaabooyin adag ka qaadaan qaramada midoobay iyagoo u qabtay 6 asbuuc gudahood in tallaabooyinkaas lagu dhammaystiro.

Khudbad ay ka jeediyeen magaalada Kiambu ee ay awooda ku leeyihiin qabiilka Kikuyu ee uu kasoo jeedo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyayaashani ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin go’aankii uu qaatay golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaasoo wadamada reer galbeedku ay ku diideen inay u codeeyaan qaraar lagu baajin lahaa maxkamada la saarayo labada hogaamiye ee ugu sarraysa dalka Kenya.

Senator Kithure Kindiki oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in golaha ammaanka ay geeyeen qaraal lagu baajinayay maxkamada maadaama Kenya ay haatan ku mashquulsantahay xasilinta Soomaaliya iyo Congo ayna iska indhatireen golaha ammaanku, isagoo sheegay in Soomaaliya ay kala soo baxayaan ciidankooda loogana baahanyahay qaramada midoobay inay xal u hesho xasilooni darrada ka taagan Soomaaliya.

Hogaamiyayaashan ayaa sidoo kale sheegay in xeryaha qaxootiga irridaha la isugu laabo iyagoo ku tilmaamay xerada Dhadhaab inay noqotay godka ay ku dhuuntaan argagixisada Kenya ka gaysata weerarada.

Isbahaysiga Jubilee ayaa waxaa kaloo ay sheegeen inay wadanka ka saarayaan ciidamada qaramada midoobay loogu tababaro goobaha qaar sida magaalooyinka Nanyuki iyo Laikipia.

“Ma doonayno inay sii joogaan, ciidamadayada ayaa waayay meelo ay ku tababartaan ha gaystaan wadamo kale” ayuu yiri Sakaja.

Inkastoo aysan cadayn tallaabada rasmiga ah ee dawlada Kenya ay qaadi doonto ayaa hadana hadallada kasoo yeeray hogaamiyayaashan oo awood ku leh isbahaysiga Jubilee ay walaac ku abuuri karaan qaramada midoobay oo taageerta hawlgalka nabad ilaalinta ee midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa si wayn uga carootay todobaadkii lasoo dhaafay markii golaha ammaanku ay diideen in la baajiyo maxkamada ku socota Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  iyo ku xigeenkiisa William Ruto  taasoo u muuqata inay saamayn ku yeelanayso kaalintii Kenya ay ka ciyaari jirtay hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya iyo sidoo kale xiriirkii ay la lahayd qaramada midoobay iyo wadamada reer galbeedka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya