4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Degdeg: Kooxo Hubaysan oo Weeraray saldhig ay ciidammada Dowladdu ku leeyihiin Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne
Talaado, November 19, 2013 (HOL) - Dad aan tiradooda la xaqiijin ayaa ku dhintay weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay xigtay is rasaasayn xoog leh.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday saldhig ay ciidamadu leeyihiin oo ku yaalla magaalada Beledweyne sida uu xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ayaa sheegay in kooxda hubaysani ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen gaariga miinaysan ayna toogasho ku laayeen askar halkaas ku sugnayd.

Ilaa iyo hada cid sheegatay ma jirto weerarkan oo u eg weeraradii ay horay kooxda Alshabaab uga gaysan jirtay magaalada Beledweyne oo ay ka dhacaan dilal qorshaysan iyo qaraxyada ismiidaaminta ah.

Wararkeena dambe ayaad kaga dheehan doontaan faahfaahinta.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya