4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Murashaxii ugu Horreeyey oo Maanta kaga Dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka Madaxweyne ku xigeen Puntland (SAWIRRO)


Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Inj. C/xakiin Xaaji C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa magaalada Buuhoodle maanta kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, isagoo noqonaya murashaxii ugu horreeyay oo xilkan isku soo taaga.

Munaasabad lagu soo dhawaynayay musharraxan cusub ayaa lagu qabtay fagaaraha garoonka kubadda cagta ee Buuhoodle, iyadoo ay kasoo qayb-galeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Hadal uu murashaxu ka jeediyay xafladda soo dhaweyntiisa ayuu ku xusay inuu wax weyn ka qabanayo mashaakilaadka soo kala dhex-galay maamulka Puntland iyo beesha uu kasoo jeedo.

Inj. Camey ayaa si weyn ugu dheeraaday inay xaq u leeyihiin xilka madax-weyne ku xigeenka Puntland dadka kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo ah beesha uu ka dhashay, iyadoo beeshiisu aysan weligeed qaban maamul la mid ah xil madaxweyne ku xigeen.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah wax-garadka deegaanka qaar ka mid ah, kuwaasoo ballan-qaaday inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin musharraxa cusub, waxayna ku dheeraadeen in xilligan ay iyagu xaq u leeyihiin, waxaana waxgaradkaas ka mid ahaa: Maxamed Saleebaan Aadan Colaad iyo Ibraahim Maxamed Cabdi.

Sidoo kale, waxaa murashaxa taageeray wasiir ku xigeenka A. bulshada ee maamulka Khaatumo, Xasan Cali Jaamac; isagoo sheegay inuu wax badan ka tari karo dhibaatooyinka haatan taagan ee u dhexeeya maamulkiisa iyo kan Puntland.

Musharraxan oo ah kii ugu horreeyay ee ku dhawaaqa musharxnimadiisa ah ku xigeenka madaxweynaha Puntland ayaa ah mid caqabad badani hor-taal, maadaama maamulka Khaatumo oo deegaankaas awood ku leh iyo madax-dhaqameedka beeshiisa oo diiday inay magcaabaan cidii u mateli lahayd xildhibaanadda Puntland.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool