4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Somali CEWERU Qaar ka mid Guddiyada Nabadda Gobollada Dalka kulan uga furtey Magaaladda Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Waxaa hoteelka Jaziira ee Muqdisho ka furmey kulan socon doono muddo saddex casho ah kaasoo uu soo qaban-qaabiyay ururka Somali CEWERU oo ka shaqeysa xallinta khilaafyada ka dhex-dhaca xuduudaha iyo nabad ku soo dabaaliddooda, waxaana ka qayb-galaya ergooyinka ka yimid gobollada dalka gaar ahaan guddiyada nabadda ee gobollada xuduudaha iyo qaar  ka tirsan hay’adaha dowladda federaalka.

Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax) oo ah xiriiriyaha Somal CEWERU oo ka hadlay kulanka ayaa ku dheeraaday sababta loo qabtey kulanka, isagoo sheegay in marka hore warbxin laga dhageysanyo guddiyada nabada ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo si ay u faah-faahiyaan xaaladda nabadgelyo ee gobolladaas ay ka yimaadeen , sidoo kale wuxuu sheegay in shirka lagu marti-qaaday ergooyin ka yimid gobollada dhexe iyo Pundland si ay iyana u heleen xog ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan guddiyada nabadda gobollada kale ee dalka.

“Somali CEWERU waxay hore ugu guuleysatay xal u helidda kiisas ka dhacay gobollada xuduudaha aan kala leenahay Kenya iyo Itoobiya,” ayuu Shaatax yiri isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd intii ururku jiray maxaa u qabsoomay sidoo kale waxaa uu sheegay in kulanka looga hadli doono qaab dhismeedka CEWERU, ka doodista xubnnimada, ansaxinta qorshaha shaqo ee ururka iyo soo bandhigista qorshaha labada sanno ee soo socota.

Waxaa sidoo kale furitaanka kulanka ka gadley C/naasir Seeraar oo ka yimid gobollada Jubbooyinka ahna afhayeen Jubbooyinka isagoo uu sheegey inay nabaddu tahay midda ugu muhiimsan ee ay bulsho u baahan tahay; waayo  haddii aan la helin nabad aan hurumar laga gaari kor ma jiro, lama furlin karo adeegyada bushadu ay u baahan tahay sida caafimaadka  iyo wax-barashada.

Ugu dambeyn waxaa furey kulanka agaasimaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Xirsi Xaaji Culusow oo ugu horreyn u mahad-celiyay intii isku soo dubaridday kulanka oo ay ugu horreyso Somali CEWERU, isagoo ka qaybgalayaasha kulanka ka dalbaday inay soo saaraan qorshe ku saleysan nidaam si gobollada xuduudaha ku yaalla ay nabad ku heli lahaayeen, taasoo keenaysa in dalalka dariska ah ay iyaguna nabad helaan.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya