4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Mas’uulka ugu Sarreeya AMISOM oo Maanta Booqday Xarunta uu ka Socdo shir Maamul lagu sameynayo oo Baydhabo ka socda


Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif isla markaana ah madaxa howlgalka AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, isagoo tagay halka uu ka socdo shir-weyne maamul loogu sameynayo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya iyo galbeedka Soomaaliya.

Danjiraha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay halka uu shirka maamul sameynta gobolladan ka socdo, iyadoo ammaanka goobta uu shirku ka socdo ay la wareegeen ciidamada Midowga Afrika ee Baydhabo ku sugan.

Mas’uuliyiinta gobolka Bay ayaa ka mid ahaa xubihii ku sugnaa xarunta uu shirku ka socday markii uu ergaygu tagayay, waxaa kaloo ku sugnaa qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamananka Soomaaliya.

Waxaa goobta hadallo ka jeediyay Madoobe Nuunow Maxamed ka mid ahaan jiray xildhibaannadii dowladdii KMG ahayd iyo Shiine Macallin Nuurow oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Bay, waxayna labaduba ku baaqeen in si dhaqso ah lagu joojiyo dagaallada kasoo cusboonaaday gobolka Shabeellada Hoose.

Danjire Anaadiif oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu maanta ku faraxsan yahay inuu soo gaaro goobta uu shirku ka socdo uuna la kulmo odayaasha iyo waxgaradka gobollada maamulka sameysanaya kasoo jeeda, wuxuuna ballanqaaday in dagaallada Shabeellada hoose wax laga qaban doono.

Intaa kaddib, waxaa magaalada Baydhabo shir jaraa’id ku qabtay salaaddiin kasoo jeeda gobolka Shabeellada Hoose iyagoo sheegay inay cambaareyn dusha ka saarayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay hab qabiil ku weerareen deegaanka Lambar 50, iyadoo ay isbaaro gobolka u taallo.

Hiiraan Online, Baydhabo