4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Dowladda Koonfur Afrika oo Sheegtay inay Gar-gaar u dirayso Deegaannadii Puntland ee ay Duufaannadu ku dhufateen

Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku waxyeelloobay duufaanadii ku dhuftay qaybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo la sheegay inay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay 300-ruux.

“Dadka Koonfur Afrika iyo dowladdooda waxay xanuunka la wadaagayaan dadkii ku waxyeeloobay duufaantaasi,annaga oo u  tacsiyaynayna dadka waayay eheladoodi ay jeclaayeen,” ayuu lagu yiri war kooban oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalkaasi.

Waxaa kaloo dowladda Koonfur Afrika ay sheegtay in ay kaalin weyn ka gaysan doonta gar-gaarka ay u baahanyihiin boqolaalka ruux ee dhibaatadu ay ka soo gaartay duufaantaasi ,kuwaasi oo aan wali helin cunto iyo biyo ku filan.

"Koonfur Afrika waxay u taagan tahay Soomaaliya kaalmadeeda, waxaana u rajaynayaa soo kabasho dag-dag ah,” ayuu yiri Zuma oo isna la hadlay warbaahinta maalmo ka dib markii duufaantaasi ay si daran ugu baahday qaybo kamid ah Puntland.

Inkastoo gar-gaar qaybo badan isugu jira la gaarsiiyay goobihii duufaantu iyo daadadku  ku dhufteen oo ay ku jirto Jowhar ayaa hadana waxaa isa soo taraya cabashada ka soo yeeraysa dadkii ku waxyeeloobay masiibooyinkaasi, kuwaasoo dalbanaya gar-gaar dheeri ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/rixmaan Faroole oo shalay ka soo laabtay booqashadii u ku tagay meelihii duufaantu ay baab'isay  ayaa ka dalbaday beesha caalamka iyo wadamada dariska ahba in sare loo qaado gar-gaarka lagu caawin karo dadka wali la tacaalaya khasaarihii duufaanta.

Dalalka illaa iyo hadda Puntland u soo garmaday waxaa kamid ah Itoobiya iyo Jubuuti ,kuwaasi oo diyaarado shixnada sida ka dajiyay magaalada Garowe si loogu qaybiyo dadka ku cayroobay waxeeyladii soo gaartay.

Ugu dambeyntii dowladda Koonfur Afrika ayaan looga baran hadal caynkan oo kale ah ,waxaana jira Soomaali badan oo ku dhibaataysan gudaha wadankaasi ,kuwaasi oo waqtiyada qaar loo gaysto dhibaatooyin is-daba joog ah oo ay ku jirto dhac lagu hayo  meelaha ay ku ganacasadaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya