4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Al-Carabi oo sheegay in ay Caawiyaan Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Gaaray Kuwait


Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa sheegay inay gacan ka geysan doonaan sidii Somalia ay dib cagaheeda isugu taagi lahayd kaddib sannado badan oo colaado ay ka jireen.

Nabiil Al-Carabi ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu kula qaatay dalka Kuwait wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ku sugan dalkaas, isagoo xusay in dalalka Carabta ay ka go’an tahay sidii ay Soomaaliya u garab-istaagi lahaayeen.

“Waxaa naga go’an inaan garab is-taagno Soomaaliya inta ay cagaheeda isaga taagayso, waxaana doonaynaa inaan aragno Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah, kaddib sannado badan oo colaado ah,” ayuu yiri Al-Carabi.

Fowziyo Yuusuf ayaa guddoomiyaha jaamacadda Carabta faahfaahin buuxda ka siisay xaaladaha dalka Soomaaliya iyo horumarka la gaaray sannadkii ay shaqeynayso dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya.

“Soomaaliya halkii sano ee lasoo dhaafay horumar weyn ayay sameysay, waxaana dalka ka furan safaarado badan oo caalami ah, waxyaabaha laga shaqeeyayna waxaa ka mid ah ammaanka iyo dib u soo celinta dhaqaalaha dalka,” ayay Fowziyo u sheegay Al-Carabi.

Danjiraha Soomalaiyau fadhiya dalka Kuwait, Cabdulqaadir Sheekh Amiin oo kulanka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada ku saabsan sidii gacan looga geysan lahaa dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya ay yihiin kuwo billow ah ayna socon doonaan.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka Jaamacadda Carabta iyadoo uu ka furmi doono maalinta berri ah kulan ay u dhexeeya madaxda Carabta iyo kuwa Afrika, kaasoo looga hadli doono iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Dhanka kale, wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay shalay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Kuwait, iyagoo ka qaybgalaya shirka dalalka Afrika iyo kuwa Carabta.

Shirkan oo lagu waday inuu ka qaybgalo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa la sheegay inuu uga baaqday sababo la xiriira khliaafka kala dhexeeya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan weli xal laga gaarin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya