4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia oo ku Dagaalamay Bartamaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay gallabta dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka gobolka iyo ciidammo ka yimid jiidaha hore ee dagaalka, kuwaasoo dhawaanahan kusoo qulqulayay gudaha degmada, waxaana maamulku uu ku eedeeyay ciidamadan inay ku kacaan falal ay shacabka ku dhibaateynayaan oo uu ka mid yahay dhaca.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay laba qof oo midkood uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray, Bashiir Dheere iyadoo la sheegayo inay dhowr qof oo ku dhaawacmay dagaalka la geeyay isbigtaalka Baydhabo.

Ciidamada diiddan inay ku laabtaan deegaannadii ay ka yimaadeen ayaa waxay sheegeen inaan wax mushaar ah la siin dhowr bilood ayna baahi awgeed u joogi waayeen furumaha dagaalka, ayna door bideen inay dib ugu soo laabtaan magaalada Baydhabo.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa maalmahan waxaa lasoo gaarsiinayay cabashooyin kaga imaanaya dadweynaha, kuwaasoo ku saabsan dhac ay u geysanayaan ciidamada imaanaya magaalada, taasoo sababtay inay maanta maamulku qaadaan tallaabo lagaga hortagayo falalka ay ciidamadaas u geysanayaan shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay nabadoonnada Digil iyo Mirifle iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada Itoobiya ee Baydhabo ku sugan ay si wadajir ah u soo saareen go’aan ah in askarigii ka yimaada furmaha dagaalka hubka laga dhigo, hadduu diidana lala dagaalamo, iyadoo taasi ay keentay inay maanta ku dhintaan dad shacab ah iskahorimaad u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo