4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Dowladda Kuwait oo 13-Milyan oo Dollar ugu deeqday Somalia taasoo qayb ka ah Gargaarka ay Dunidu siinayso Somalia

Arbaco, May 08, 2013 (HOL) —Kuwait ayaa ugu deeqday Soomaaliya lacag gaaraysa 13-milyan oo doollar, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu doonayo in Soomaaliya lagu caawiyo, iyadoo sheegtay in lacagtan ay ugu talogashay dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiir u dowlaha dowladaha hoose ee Kuwait, Sheekh Maxamed C/llaahi Al-Sabaax ayaa u sheegay wakaaladda wararka dalkaas, in Kuwaita xoojinayso taageerada ay siinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

“Xukuumadda Kuwait waxay doonaysaa in dhawaan ay safaarad ka furato magaalada Muqdisho taasoo la soconaysa hadba sida ay noqoto xaaladda amniga,” ayuu yiri wasiir u dowlaha oo intaas ku daray in dalkiisu uu goob-joog ka ahaa shirkii London.

Sidoo kale, Sheekh Maxamed wuxuu sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu bixiyo wax walba oo kaalmo ah oo looga baahdo, sida tababarro dhanka waxbarashada ah, dhaqanka wax walba oo kale oo looga baahdo.

“Tallaabadan waa mid uu Amiirka dalka Kuwait ku caddeynayo inuu doonayo inuu xoojiyo xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah – Soomaaliya iyo Kuwait,” ayuu wasiir u dowluhu hadalkiisa ku daray.

Wasiir u dowlaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan ka jirto rajo weyn oo ay kaga baxayso dhibaatooyinkii ay kusoo jirtay muddada 22-ka sano ah, isagoo ku boorriyay Soomaalida dibadaha ku nool inay ku laabtaan dalkooda oo ay ka qaybqaataan dib u dhiskiisa.

Mas’uulkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xukuumadda Kuwait ay ugu deeqday Soomaaliya 10-milyan oo doollar, iyadoo saddexda milyan ee kalena uu shacabka Soomaaliyeed ugu deeqay amiirka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Jaabiri Al-sabaax.

Sheekh Maxamed wuxuu ka dhawaajiyay in Soomaaliya ay garab taagnayd Kuwait markii ay dowladdii Ciraaq ee uu hoggaaminayay Sadaam ay gudaha u gashay dalka Kuwait oo ay daris yihiin sannadkii 1990-kii.

“Dowladda Kuwait waxay rajeynaysaa inay aragto Soomaaliya oo ah dowlad awood leh oo ku dhex jirta deggenaasho iyo barwaaqo,” ayuu yiri wasiir-u-dowlaha dowladaha hoose ee dalka Kuwait.

Ugu dambeyn, wasiir u dowluhu wuxuu cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, isagoo beesha caalamka uug baaqay inay taageero ballaaran siiyaan Soomaaliya sii ay uga baxdo xilli dheer oo colaado ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya