4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Kooxda Boko Haram oo 55 Ruux oo ay ku jiraan Saraakiil Booliis ah ku dilay Gobol ku yaalla Waqooyi-Bari Nigeria


Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 55-qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan booliiska iyo maxaabiis ayaa lagu dilay weerar ay kooxda islaamiga ah ee Boko Haram ay ku qaaday gobol ku yaalla waqooyi-dalka Nigeira oo lagu magacaabo Borno.

Howgalkaas ayaa waxay kooxda Boko Haram xabsi ku yaalla magaalada Bama ay kasii daayeen 105 ruux oo maxaabiis ahaa, iyadoo la gubay gabi ahaan xabsiga oo ahaa mid ay gacanta ku hayeen booliiska gobolkaas.

Madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa horay u magacaabay guddi la xaajooda kooxda Boko Haram la xaajooda u saaray, balse waxaa arrintaas ku gacan-sayray hoggaamiyaha kooxdan islaamiga ah oo lagu magacaabo Abuubakar Sheekhu.

Afhayeenka saldhig milateriga oo ku yaalla deegaanka Maiduguri oo 70-km u jirta magaalada uu weerarku ka dhacay ee Bama, Muuse Sagir ayaa sheegay in 200 oo ka mid ah Boko Haram oo aad u hubeysan ay weerarkan fuliyeen aroornimadii hore ee Talaadii shalay, isagoo intaas ku daray in dableydu ay ku yimaadeen basas iyo gaadiidka kale oo dusha ka furan.

“Qaar ka mid ah ragga hubeysan waxay weerareen saldhigyo milatari laakiin waa la iska difaacay. Toban ka mid ah waa la dilay laba ka mid ahna waa la qabtay,” ayuu Sagir u sheegay AFP. Wuxuuna intaas ku daray: “Intaa kaddib dableydu waxay weerareen xabsiga iyagoo halkaas kala 105 ruux oo iyaga ka mid ahaa, intii kalena way laayeen."

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan oo xirnaa labis isku mid ah ay goobtaas ku sugnaayeen muddo shan saacadood ah, iyagoo markii dambe si iskood ah uga tagay goobta.

Dadka la dilay ayaa waxay kala ahaayeen: 22 sarkaal oo booliis ah, 14 maxbuus, laba askari, afar qof oo shacab ah iyo 13-dagaalyahan oo ka mid ahaa xoogaggii weerarka soo qaaday.

Taliyaha booliiska magaalada Bama ee uu weerarku ka dhacay, Abuubakar Sagir ayaa laga soo xigtay in afarta qof ee shacabka ah ee weerarkaas lagu dilay ay kala ahaayeen haweeney iyo saddex caruur ah.

“Xilliga ay kooxdan Boko Haram weerarka billaabeen waxay ahayd 05:00 aroornimo, markaasoo salaadda subax la isugu yeerayay, waxay billaabeen inay rasaas u furaan jiho walba, innagu nafteenna ayaan la cararnay,” ayay tiri Aamina Cusmaan oo goobjooge ahayd. Iyadoo intaas ku dartay: “Qof haween ah oo awoodi wayday ayaa gubatay iyadoo isla goobta ku dhimatay

Bishii lasoo dhaafay ayay milateriga dalka Nigeria waxay weerar ku qaadeen gobollo ay ka mid yihiin Baga iyo Borno iyagoo kasoo qabqabtay tiro ka mid ah dagaalyahannada Bokor Haram ee shalay laga baxay xabsiga.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa dhawaan sheegay in 200 qof lagu dilay isku dhacyada u dhexeeya milateriga Nigeria iyo kooxda mayalka adag ee Boko Haram, iyadoo ay ku burbureen kumanaan aqal, iyadoo la sheegay in milateriga dalkaas ay si macno-darro ah u dileen 37-qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya