4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
DUUR: “Dowladda Ingiriisku waxay wax ka Bedel ku Sameysay Go'aankeedii la xiriiray Socdaalka lagu tagayo Somaliland"


Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland iyo Ingiriiska ayaa kala saxeexday heshiish lagu xoojinayo amniga Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa, isla markaana qalab iyo dhismayaal cusub loogu deeqi lahaa ciidanka.

Heshiishkan waxa magaaladda Addis Ababa ku kala saxeexday wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur iyo safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Mr:Chris Allan, kuwaas oo si rasmi ah u kala saxeexday heshiishkan labadda qodob ka kooban.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay  inay Ingiriisku wax iska bedeleen dhawaaqii dawlada Ingiriisku hore ugu dhawaaqday inay xayirtay in loo socdaalo Somaliland, balse imika ay bilaabmayaan socdaalada diblomaasiyiinta Ingiriisku ku imanayaan Somaliland.

 “Waxaanu kala saxeexanay laba heshiis, ka kowaad waxa weeyaan tayeynta shaqaalaha laanta Socdaalka Somaliland iyo goobaha lagu shaqeynayo qalabeyntooda, iyada dhamaan goobaha xuduudaha laanta socdaalka dalka laga soo galo la dhigayo qalab lagu baadho basaboorada fojariga ah, waxaana loogu deeqay qalab, dhismayaal iyo lix Baabuur. Heshiiska labaad waxa weeyaan mid lagu maalgelinayo Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan qeybta baadhista danbiyada ee CID-da, waxaana Ciidamada danbi baadhista lagu darayaa ciidan  baadha danbiyada culus oo la yidhaahdo SPU (Special Police Unit), waxaana loo dhisi doona xarun cusub oo loogu qalabeyn doono dhamaanba qalabka baadhista danbiyada oo dhan oo ay qalabkasta ku jiraan oo ay ka mid tahay Britain -ka farta iyo waxyaalaha kale ee casriga ah ee wax lagu baadho,” ayuu yiri wasiirka ka hadlay labadda qodob ee ay ku heshiiyeen.

 “Waxay Safaaradu qirtey in wax ka bedel lagu sameeyey dhawaaqi ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ee lagu xayirayey in loo socdaalo Somaliland, waxaana imika bilaabmaya dhaqdhaqaaqii iyo isu-socodkii masuuliyiinta diblomaasiyiinta Ingiriiska ee Somaliland”ayuu yidhi Duur oo ka hadlayey wax ka bedel lagu sameeyey digniintii Ingiriisky hore u sheegay inay amni daro ka dhici karaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, heshiishkan waxa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed-Cambaro) oo labaddii cishee u dambeeyey ku sugnaa dlaka Itoobiya.

Dawladda ingiriiska ayaa inta badan taageero ka gaysatay horumarinta ciidamadda booliska, waxaanay hore tobabar iyo qalab ku filan siisay ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada ee RRU-da looyaqaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland