4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 31, 2013
Shir looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo maanta ka Furmaya Magaalada Yokohama ee Waddanka Jabbaan


Jimco, May 31, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo horumarinta Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Yokohama ee dalka Japan, kaasoo ay shir guddoomin doonan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu shirkaas ku dalbado in laga caawiyo Soomaaliya dib u dhiska kaabayaasha bulshada sida jidadka, garoommada diyaaradaha iyo dekedaha.

“Waxaa lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu shirkan ku codsado in laga caawiyo Soomaaliya dib u dhiska waddooyinka, dekedaha dalka iyo garoommada, maadaama uu shirkii London ku dalbaday in laga saacido Soomaaliya ammaanka, cadaaladda iyo habeynta maaliyadda,” ayuu yiri Inj. Yariisow oo ah afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ee ku sugan Japan.

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Soomaaliya loogu qabto dalkaas, waxaana la sheegay inay ka qaybgalayaan wufuud caalamka ka socota oo uu ka mid yahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalign oo labaduba ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda shirkan maanta ka qaybgalaya.

Dhanka kale, maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in isla magaalada Yokohama uu ka furmo shirka horumarinta Afrika oo Japan ay qabto shantii sanaba mar, kaasoo qayb ka ah sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Japan iyo Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in shirkaas uu ka qaybgalo uuna halkaas warbixin ku saabsan Soomaaliya ka siiyo madaxda dalalka Afrika oo qaarkood ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa dhanka kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu 15-ka Juun kaga qaybgeli doono London shirka dalalka qaniga ah ee G8 oo Britain ay shir-guddoomin doonto.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu bisha soo socota ee September ee sannadkan kaga qaybgeli doono dalka Belgium shir looga hadlayo horumarinta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan,com
Muqdisho, Soomaaliya