4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo Maanta Meel-mariyay ansixiyay sharciga Dhismaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Shir ay golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen maanta Muqdisho, uuna shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda maareeynta masiibooyinka Qaranka.

Hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa waxaa soo gudbiyay wasaaradda arrimaha guddaha. Iyadoo sharcigan uu qeexayo qaab-dhismeedka iyo hawlaha cayiman ee hay’addan oo muddo hal sano iyo bar ah si KMG ah ku shaqaynaysay.

Hay’adda ayaa ka hawl-galaysa maareynata musiibooyinka dabiiciga ah ee soo food-saara dalka, kuwaasoo ay ka mid yihiin ka hortagga abaaraha iyo daadadka ka dhaca Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka hadlay muhiimadda sharci-dajinta dalka oo uu ku tilmaamay mid wax tar weyn u leh dib-u-dhiska Soomaaliya; isagoo golaha baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay baaqay inay gudbiyaan shuruucda horyaalla ee xukuumadiisu horey ugu soo gudbisay.

“Waa lagama maarmaan ah in labada gole ee dawladdu kawada shaqeeyaan sharci-dejinta dalkan, si loo dar-dar-galiyo hawlaha dawladda iyo adeegyada bulshada ee baahida weyn ummaddu u qabto. Sharcigu waa tiirka koowaad ee dib-u-dhiska hay’adaha iyo wakaaladaha muhiimka ah ee qaabilsan fulinta howlaha dowladda,” ayuu yiri ra’iisul Wasaare Saacid.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, boostada iyo Isgaarsiinta mudane Ibrahim Isaaq Yarrow oo saxaafada la hadlay shirkii golaha wasiirada kadib ayaa sheegay in xukuumadu xooga saartay sharcidajinta si ay u suurto gasho in dalka la xasiliyo lana hormariyo. Waxaa uu wasiirku intaas ku daray inay maanta kaliya golaha baarlaanka xukuumaddu horgaysay shan Hindise Sharciyadeed, kuwo kalana wali horyaalaan golaha oo ay ka sugayaan inay ansixiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya